Tuesday, October 28, 2014

Siilaanyo oo Safka hore ka galay hogaamiyeyaasha ugu da'da weyn Afrika

Maxaad ka taqaanaa Madaxweyneyaasha Qaarada Afrika ugu da’da weyn?

By: Geeska Afrika ..

silanyoQaarada Afrika ayaa dadka qaaradaha kale ku dhaqan, sida kuwa Reer Yurub oo iyagu ah kuwo hogaankooda Siyaasadeed si hanaan doorasho ku doorta, kuna badala sifooyin badan oo ay xeeriyaan, sida da'ada, waxqabadka iyo xurmanyata balanqaadyada ay sameeyaan, iyo sidoo kale hadbka anshax  ee laga arko hab-dhaqanka hogaanka,  kuwaas oo haddii ay ka baxaan ama si weyn ugu gafaan ay ka fishaan in uu is casilo amba aanu dib ugu soo noqon doorashe dambe.

Hase ahaatee qaarada Afrika ee aynu kaga noolnahay geeska ugu colaadaha iyo barakaca badan in ka badan afartankii sanadood ee ugu dambeeyey, ayaa waxa Afrika sumacad xumo ku leedahay in badi hogaankii mar qabtaa aanu dhayal kaga tagin, xataa haddii uu gaadho heer kii sanashada,  caafimaadkiisu liito, iskaba daa haddii bulashadu nacdo ama uu fulin waayo balamihii uu qaaday xiligii la doortay.

Arinta aan kor ku xusnay waa ta keentay in wadamo badan oo reer Afrika ah ilaa maanta ay ku habsato hogaan talada maroorsada ama aan siin fursad dhiig cusub oo ku hagi kara waayo-cusub oo dhaxal siin kara in Afrika hesho hogaamiyaal la jaan-qaada dunida baratanka ku jirta ee noqotay sidii tuulooyin wadayaal oo aanay waxba isku seeganayn.

Waxa hogaamiyaasha duqoobay ee Reer Afrika diidaan in kursiga baneeyaan, sobob ay inta badan ku saleeyaan halka ay ku noolaanayaan iyo wax laga yeelidoono, iyo iyagoo badi godobo -siyaasadeed oo ay galeen ka warwar-qaba,  waa haddii ay xilka wareejiyaane. Taasna waa ta keentay in maanta Afrika hoy u noqoto madaxweynayaasha duqoobay ee la tuhmo in aanay tahli karin maali walba -gudashada hawlaha xilka  ay ku yutu-een oo aad ugu badan tahay xasarada mucaaridka raagsada in xil-ka-dagooda.

Haddii aynu eegno wadamada hogaamiyaasha duqoobay ee qaarada Afrika ay maanta madaxda ka yihiin,  magacyada madxweyne yaashaas, sanadkii ay dhasheen iyo kii ay awooda la wareegeen, iyo waliba wadamada ay ka taliyaan, waxa aad odhan karta Afrika wali kama dhadhawa in hogaamiye daray ah oo dardar cusub ku hagaa si sahlan uga soo boxo, waayo fursadii waxa aan bixinayn kuwii waayo-araga u ahaa ee markan talax-gab galay ee ay ahayd in ay dhan isku taagan, soona saaraan hogaan cusub oo qaran reer Afrika ah haga. Waxa tusaale inoogu filan kuwan hoos ku dhigan.

Madxweynaha Dalka Zimbabwe: Dalka Zimbabwe  oo ku yaal dhanka koonfureed ee qaarada Afrika, waxa uu ka mid yahay dalalka Afrika ee helay madaxbanaanida sanado badan ka dib marka loo eego badi wadamada reer Afrika, sida Somaliland oo kale . Zimbabwe  waa wadan leh dhul ku hodan ah wax-beerista, xiligii aanu xorta noqon caan ku ahaa dhoofinta wax soo-saarkiisa beereed. waase wadan haatan nolosha dadkiisu liidato. Dalka Zimbabwe oo intii aanu xornimada qaadan la odhan jiray Rodishiya. waxa magaca Zimbabwe u badalay madaxweyne Robert Mugabe, markii uu talada siyaasadeed si rasmi ah ula wareegay ee uu ka guulaystay gumaysigii Ingiriiska ee cadaankii tirada yaraa ee dalkiisa xukumayey. Rober Mugabe waa hogaamiyaha nool ee qaarada Afrika ugu da'a weyn, waxaanu dhashay 21kii bishii 2aad ee 1924kii, taas oo ka dhigaysa in uu yahay sagaashan jir (90 jir)  iyo dheerraad,  diidan in uu xilkii uu qabtay sanadkii 1980-kii oo uu doorasho xornimo doon ah ku helay, ilaa afar doorasho oo ka dambeyeyna isagu in uu ku guulaystay la sheegay, oo tii ugu dambaysay ay ahayd sanadkii 2013 kii taas oo ilaa iyo sanadka 2018-ka loo doortay in uu hogaanka sii hayo.

Inkastoo taariikhdiisu ku aroorto halgankii dalkiisa, haddana waxa uu astaan buuxda u yahay hogaamiyeyaasha qaarada Afrika ee inta ay soo halgameen, haddana aan ogolayn in jiil dambe oo dayar ah hogaanka ku wareejiyaan ilaa inta ay ka soo oodmayso, sida ku dhacday madaxweyne yaal badan oo Afrika soo maray.  Madaxweyne Robert Mugaabe maanta waa madaxweynaha qaarada Afrika ugu weyn, sidoo kalena waa madaxweynaha dalalka Aduunka ugu da'ada weyn

La Soco qormooyin taxane ah oo mowduucan ku saabsan