Wuxuu sheegay inuu ku dacwiyayo $60,000 oo uu Nin Ganacsade ahi ugu daray Shirkad aanu garanayn oo la wada leeyahay sidii jiif oo jaqda...
Burco(GNA)-Ganacsade C/laahi Faarax Dheere oo sheegay inay wali dalka ka jirto Barnaamij dadka Lacagtooda lagu dhaco oo jiif oo jaq ahi.
Ganacsade C/laahi faarax Cabdi oo ka mid ah Ganacsatada Dalka Somaliland oo hada ku sugan Magaaladsa Burco ayaa sheegay inay jiraan dad ganacsato isku sheega oo dalka ka wada barnaamij dadaka lagu dhacayo.
Ganacsade C/laahi Faarax dheere oo maanta sir jaraa,id ku qabtay Magaalada Burco ayaa Bulshada ugu baaqay inay iska ilaaliyaan sidoo kalena dawlada usoo jeediyay inay wax ka qabto,waxaanu hadalkiisii ku bilaabay''Waxaa dalka ka jira Mashaariic Jiifoo Jaq ah,dad baa jira Bulshada Lacag ka qaada oo aan waxba kusoo celin,dadkaa waxaan idiin sheegayaa qaar ka mid ah Ninka magaciisa la yidaahdo Ismaaciil Maxamed Xirsi ayaa Naga soo qaaday 2008 Lacag dhan 60,000 Lixdan Kun oo doolar waxaanu noo shaagay inuu Baayacmushtar ku darayo,Wixii Macaash ah ee lacagtaas kasoo baxana aanu ku balanay inuu BoqOlkiiba Afartan 40 % uu yeesho,ilaa hadana wax Raasamaalkii iyo Faa’iidadii toona kama hayno,isagiina waanu afgaran waynay Cidkale oo naga qabatana waanu waynay.” Ayuu yidhi.
Waxa uu intaas raaciyay “ninkan aaan sheegay ee Ismaaciil Maxamed Xirsi waxa uu lacagtayadii sheer kaga galay Shirkada Shidaalka Som Petroleum taas oo u hada ka yahay Maamule,waxaanu hada joogaa dalka gudhiisa,Ninkaasi waxa uu qirtay sidaas aan soo sheegay inay lacataasi Faa'iido saa saartay $ 60,000 oo Raasmaal ah iyo $ 36000 oo Faa'iido ah waxaanay Maxakmada Gobolka Togdheer ku xukuntay 96000 lix iyo sagaashan kun oo doolar,waanan hayaa waraaqihii aan isaga ka qoray ee cadaynta ahaa,walina ninkaasi waxa uu Dadka iyo dalka kula dhex jiraa sheerar uu ka uririnayo oo uu doonayo inuu hantidooda ku lunsado,waxaan ogahay inuu qaar kale oo lacag uu ka qaaday ay ka leeyihiin,waxaany arintani u eegtahay Jiifoo jaqdii dadka lagu dhacay.”
waxa uu ku baaqay in laga feejignaado arrinta noocan ah “sidaas daraadeed Arimaha noocan oo kale ah iyo dhaca Bulshada lagula dhex jiraa waxay keeni kartaa Nabad gelyo dari,waxaan Dawlada iyo Bulshada ugu baaqayaa inay iska ilaaliyaan dalkan laga qabto cid kasta oo sidan oo kale u dhaqanta''ayuu kaga baxay hadalkiisii.
Axmed Muuse Maxamed
Gobanimonews
Burco Office
Email: Axmedmm9@hotmail.com