Weftiga Somaliland oo isniinta u ambo baxaya Dubai
Hargeysa(GNA)-Wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay todobaadka soo socda badhtamihiisa ka furmaan Magaalada Dubai ee Isu-taga Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay Dawladda Imaaraadku balanqaaday inay Marti-gelinayso wajiga shanaad ee wada-hadalada labada dhinac.
Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay Dawladda Somaliland oo arrin ku saabsan . Hase ahaatee sida xaqiijiyeen ilo-wareedyo diblomaasyaddeed oo Wargeyska Yool helay, waxa la filayaa in Isniinta fooda inagu soo haysa ay Magaalada Dubai gaadhaan Weftiga ka socda dhinac Somaliland ee shirka ka qayb-gelayaa.
Wararku waxay intaasi ku dareen in ergada Somaliland uga qayb gelaysa wada-hadalka uu hogaamin doono Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo, kuna wehelin doonaan xubno uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibada Maxamed Biixi Yoonis.
Xoggaha la xidhiidha arrintani may xusin meeqaamka weftiga dhinaca soomaaliya ka iman doona ee shirka ka qayb gelaya, inkasta oo heerka wada hadalkani noqon karo mid madaxweyneyaasha labada dal ka wada qayb-galaan markii labaad.
Shirarkii hore ee geedi socodka Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa ka dhacay Dalalka Turkiga, Ingiriiska iyo Imaaraadka carabta oo mar hore lagu kulmay sanadkii la soo dhaafay.
Geesta kale ma cadda sababta ay dawladda Imaraadku u soo ijaaratay marti-gelinta wadahadaladan oo kulamadii u dambeeyay ka dheceen dalka Turkiga oo la filayay inay ka sii socdaan, balse tibaaxo la xidhiidha arrintan ayaa sheegaya inay taasi ka dhalatay saluug dhinaca Turkig yimi oo aan wali si cad loo xaqiijin halka uu ku arrooro.