waxay heleen Xoriyad aan xabsi ka dhicin..
Muqdisho(GNA)-Maxkamada Gobalka Banaadir ayaa damaanad shuruud adag ku xiran ku sii daysay laba wariye oo kala ah Milkiilaha idacaada Shabeele Cabdi Maalik Yuusuf Maxamuud iyo Wariye Axmed Cabdi Xassan, oo kamid ahaa wariyaashii ka howl gelayay Idaacadaasi intaan albaabada loo xirin.
Sii deynta suxufiyiintan ayaa waxay ka dambeysay, kaddib markii maanta Maxkamadda la horkeenay dhegeysiga dacwadooduna bilaabantay.
Dhegeysiga Dacwadan waxa ka soo qayb-galay wariyaal, siyaasiyiin, iyo shacab kale oo badan, kuwaasoo dhegeysanayay sida ay u socoto, inkasta oo aan qalabka wax duuba loo ogolayn .
Xeer-ilaaliyaha Guud ee qaranka iyo ku-xigeenkiisa ayaa toos ugu oogay suxufiyiintan dacwada loo heysto, taasoo ay iyaguna dhankooda iska difaaceen.
Maxkamadda ayaa markii ay labada dhinacba dhegeysatay, waxa ay xeer-ilaalinta ka dalbatay caddeymaha dambiga lagu haysto labadan Nin, waxaanay xeer-ilaaliyeyaashu ku doodeen in wakhti ay maxkamadda ku horkeenaan la siiyo.
Waxay qabsadeen inay muddo usbuuc ah ku keeni doonaan caddeynaha eedda, taasoo bedelkeeda Qareenada u doodaya Wariyeyaashu ay codsadeen in damaanad lagu sii daayo inta dacwadu socoto.
Xeer-ilaalinta ayaa dalabkaasi ku tilmaantay mid aan la aqali Karin, balse hadii ay maxkamaddu ogolaato loo baahanyahay damaanad adag in laga dhigo Mulkilaha Ideecada oo ay ku dooddeen inuu Baasboor dibaddeed haysto, dalkana uu ka baxsan karo.
Xeer-ilaaliyeyaasha ayaa u cuskaday cadaadisna Maxkamadda ku saaray in damaanada lagu xidho saddex qodob oo kala ah
1)In uu heesto Baasaboor dal kale uuna bixi karo hadii lasii daayo.
2)In uu Horay denbi u galay maxkamadina u xukuntay uuna ku dhiiraday in uu mar kale sameeyo danbigii oo kale.
3)In ay suuragal tahay inuu handado marqaatiyaasha dacwadiisa ku lugta leh.
Maxkamadda ayaa aqbashay soo jeedinta Xeer-ilaalinta, waxaanay wariyeyaasha ku xirtay inay buuxiyaan shuruudaha ku xiran damaanad in lagu sii daayo, sidaas ayaana lagu sii daayay labada damaanad labada suxufi.
Suxufiyiintan ayaa xabsiga loo taxabay Bishii Jully ee sanadkan, kaddib markii lagu eeddeeyay inay buun-buuniyeen howl-galo amniga lagu sugayey oo ka socda Magaalada Muqdisho.
Waxa markaas albaabada loo laabay Ideecadaha Shabeele oo ay ka howl-gelayeen iyo Radio Sky oo ay bahwadaag yihiin.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com