Gacan ku dhiigale Gaydh Faarax Cabdilaahi, ayaa qudha kaga jaray mindi uu ku jeex-jeexi jirey kabaha uu ka shaqeeyo abaarro saddexdii iyo badhkii saqbadhkii habeenimadii salaasadii todobadka iyagoo gurigooda jooga, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaala.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Daami ee degmada Gacan-libaax ee magaalada Hargeysa. Ciidanka Bilayska ayaa ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan gacanta ku dhiglihii falkan foosha xun gestay, islamarkaana u taxaabay xabsiga iyagoo baadhaya sababihii dilka dhaliyay.
waxaana isla shalay gelinkii dambe la aasay Marxuumada uu dilay ee xaaskiisa ahayd magaalada Hargeysa.
Gacan ku dhiglaha falkan foosha xun gestay, ayaa mudo horey dilay walaalkii oo qabay xaaskiisan uu dilay sida ay goob joogalayaal jaarka ahi sheegeen.