Saturday, October 25, 2014

Heshiisyada Caalamiga ah ee Shidaal baadhista iyo Somaliland?By:Caraale Jaamac

Heshiisyada Shidaal baadhis iyo sida ay Xukuumaddu u maamushay Khayraadka dalka..Q3ad

shidaal-qodidSidoo kale waxa muran ka taagan yahay qaabka heshiiskaa loogu qoondeeyay baaxada dhulka laga baadhayo shidaalka, kaas oo heshiisku dhigayo inay shirkadda la siiyay kontoraaga sida ay doonto u maamusho.

Sidoo kale heshiiska noocaa ah ee Tanaasulka (Concision Agreement), wuxuu ahaa mid ay wadamada reer galbeedka Yurub u samaysteen horaantii qarnigii 19aad inay ku boobaan wadamada dunida sadexaad maanta loo yaqaan, wuxuuna u addeegayaa shirkadda, ama cida heshiiska lala galay, kaas oo aan ogolaanayn in 50-60 sanadood wax laga bedelo, waana nooca heshiiska aynu hore usoo sheegnay ee caqabada ku noqday Khayraadka shidaalka ee dalka Yaman iyo wadamo kale oo Afrikaan ah.

Afarta nooc ee Hashiisyada khayraadka shidaalka iyo Macdanta ee ay shirakaddaha shisheeye la galaan wadamada iska leh khayraadka noocaa ah, mid walba waxa uu leeyahay mushkiladiisa iyo saamayntiisa, wuxuuna u baahanyahay taxadirkiisa iyo in si heer qaran ah looga baaraandego, mana jiro wadan khayraadkiisa heshiisyada shirkaddaha uu maamulo wasiirka Wasriika hawshaa ku magcaaban, balse inta baddan waxay leeiyiin Guddi Qaran oo maamusha Khayraadka Dalka (Nitional Commition of Nutural Resorce) iyo khuburo sharciyaqaano iyo aqoonyahano ku xeel dheer khayraadka dihin oo ka taliya arrimahaa, isla markaana soo unka xeerarka iyo shuruucda loo baahanyahay ka hor inta aan heshiish lala gelin shirkad iyo shaqasiyaad midna, waxaana marka la diyaariyo dhamaan hawlahaa oo ka horeeya heshiisyada la gelayo guddida heer qaran oo loo gudbiyay shirkaddaha doonaya heshiishka marka ay baadhitaan ku sameeyaan ku sameeyaan hantidooda, cidka iska leh, khibradooda iyo dhamaan shiruudaha xeerku tilmaamayo ay waafajiyaan aqbalaan in heshiis lala galo iyo la diido, wuxuuna wasiirka xilka Wasaaradda Macdanta iyo Patroolka ku magcaaban saxeeyaya keliya heshiiskii, iyadoo xataa luqada uu ku qoranyahay iyo ereyada si taxadir ah loo naaqishay.

Wadamo baddan oo dunida ah, ayaa isticmaala qaabkaa oo loo arkay ka keliya ee khayraadka dalka oo loo wada simanyahay loo ilaalin karo, isla markaana looga faa’idaysan karo, iyadoo la marayo wadooyinka sharciga iyo jidadka cad cad ee loo jeexay.

 

Inta aynaan u gudbin nooca heshiiska Xukuumadda Somaliland la gashay shirkaddaha doonaya inay shidaal kasoo saaraan Somaliland, kaas oo an ilaa hada la ogayn nooca uu yahay iyo midka uu yahay afartaa nooc, waxaynu eegaynaa nooca laabaad ee heshiisyada ee loo yaqaan (Production sharing Agreement) oo ah heshiis lagu wadaagayo wax soo saarka, kaas oo markii u horaysay meelaha laga isticmaalay uu ka mid yahay dalka Indonesia 1966.

Nooca heshiiskaa lagu wadaagayo wax soo saarka dalka (Production sharing Agreement), oo Soomaali ahaan aynu u qaadan karo magaca ku haboon Soomaaliga (Heshiis Hilbo-qaybsi), wuxuuna aad uga duwan yahay qaabka heshiiskii hore ee aynu soo sheegnay, kaas oo awood u siinaya in ay kaartaroolaan shirkaddaha lala galay heshiishka khayraadka dalka, waxaana khuburada sida weyn ula socota noocyada heshiisyada shidaalku ku tilmaamaan mid aad u liita, waxayna taa bedelkeeda uga digayaan wadamada heshiisyada noocaa ah gelaya inay hubiyaan oo ka taxadiraan nooca heshiisku yahay, qaabka uu u dhisan yahay iyo nuxurka qodobada uu xanbaarsanyahay.

Khuburada dhinaca heshiisyada shidaalku waxay farta ku fiiqayaan dhibaatooyinka ay heshiiyada aan sida weyn loo lafa-gurin geyeysiin karaan mujtamaca iyo bulshooyinkaa wadamadaa oo ay sheegayaan in halkii ay ka filayeen inay ka baxaan faqriga xaalada dhaqaale iyo saboolnimo ee dalka iyo dadka waxba iska bedeli waayaan, isla markaana dhaqaalaha iyo khayraadka dalku u gacan galo oo keliya koox yar oo maamulka ah iyo shirkaddaha guranaya khayraadka dalka.

Dhegta u taag Qaybo kale.

By, Carraale M. Jama Freelance Journalist and Human rights Activist.

E-mail Jaamac132@gmail.com

info@araweelonews.com