“Waxaan leeyahay Doorashooyinku waxay qabsoomayaan wakhtigII loogu talo galay”. C/raxmaan Cirro
“Waxa Doorashooyinka wakhtigooda la qiimeyn karaa marka howlaha la isla eego ee Baarlamanku fasaxa ka soo noqdo ee la qiimeeyo howlaha”Muuse Biixi
Hoos ka dhegeyso dooda oo dhamaystiran:
[caption id="attachment_100106" align="alignleft" width="300"] hogaamiyeyaasha saddexda xisbi ee somaliland oo nairobi u dhoofay[/caption]
Hargeysa(GNA)-Hogaamiyeyaasha Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyay inay wakhtiga u cayiman ku qabsoomi karaan Doorashooyinka isa-saaran ee Madaxtooyada iyo Baarlamanku.
Dood ay u qabatay Laanta Afka-Soomaliga ee Iddaacada BBC-da, ayaa waxay xubnaha qaar rejo wanaagsan kaga muujiyeen in Doorashooyinku xilligooda qabsoomayaan, halka Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ku doodday inay ula muuqato in dib u dhac ku imanayo.
Guddoomiyeyaasha oo maalmihii la soo dhaafay Magaalada Nairobi kulamo kula yeeshay Qaadhaan-bixiyeyaasha Caalamka ee Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka, ayaa dhinaca kale sheegay in wakiillada ay la kulmeen ay ka wada hadleen sidii loo qaban lahaa doorashooyinka, qaadhaan-bixiyeyaashuna u caddeeyeen inuu diyaar yahay dhaqaalihii ay ugu talo galeen dhankoodu inay ku taageeraan.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna hogaamiyaha Xisbiga Waddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Cali Waraabe iyo Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, oo la waydiiyey inay Doorashooyinku wakhtigooda dhici karaan iyo in kale , ayaa waxa ugu horeyn ka jawaabay su’aashaas Guddoomiye Cirro.
“markaanu eegnay kulankii aanu la yeelanay Qaadhaan-bixiyeyaasha, markaanu eegnay qabyada Somaliland taalay ee ahayd in Komishanka la ansixiyo, markaanu eegnay in Golaha Wakiilladu ansixiyey wax ka bedelka iyo Kaabista Xeerka Diwaan-gelinta, markaanu eegnay inuu dhaqaalihii Doorashada lagu qaban lahaa diyaar yahay, waxay iigu muuqataa oo aan isleeyahay Doorashadu wakhtigeediibay ku qabsoomaysaa”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga wadani Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo isna su’aashaas ka jawaabayey, ayaa isagu si cad u sheegay inaanay Doorashadu qabsoomaynin bisha june ee sanadka soo socda “ May! Ma qabsoomayso, howl badanbaa doorashada ka horaysa, howlahaa ka horeeya doorashada qaar waa qabyo, qaarna wali lamaba bilaabin, markaa waxaan ku dedaalaynaa uun inaanay 2015-ka nala dhaafin, waxaanu ku dedaalaynaa inaanay wixii farsamo ah mooyaane aanay wax kale oo guurti iyo wax muddo kordhin sameeyaa inaanay iman” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Guddoomiye Muuse Biixi oo isna isla su’aashan ka jawaabayay, ayaa ku doodday in go’aan la gaadhi karo oo qudha, marka la qiimeeyo duruufaha farsamo ee horyaala Doorashooyinka. “waxay ila tahay waxa doorashooyinka wakhtigooda la qiimeyn karaa marka howlaha la isla eego ee Baarlamanku fasaxa ka soo noqdo ee la qiimeeyo ayuunbaa wax la qiyaasi karaa, laakiinse iminka dedaal uunbaynu haynaa.”ayuu yidhi Biixi.
Guddoomiye Muuse Biixi oo la waydiiyay waxa uu kaga jawaabayo eeddeymaha xukuumadda loo jeedinayo ee ah inay lugta jiidayso howlaha Doorashada, ayaa ku andacooday “dadku waxay aaminsanyihiin waxa ka wanaagsan in waxa xaqiiqada ah lagu dhaqmo, meesha warka rasmiga ah ee yaallaa waxa weeye: - “ annaga laba qodob ayaa nalaga doonayay.
-In la magacaabo Komishanka Doorasahda iyo in xeerkaa wax ka bedel lagu sameeyo, labadii qodobba baarlamanka ayay horyaalaan, Xukuumadduna Baarlamanka Fasaxooda ma maamusho, markaa hadii baarlamanku fasax galay dee iyagay u taalaa, laakiinse xukuumadda wax ku maqani ma jiro wixii kale ee deg deg ah ee yimaada mooyaane howlahaasi waxay hada ku xidhanyihiin Baarlamanka”ayuu yidhi.
Dooddan ayaa mar kale waxa Guddoomiyaha Baarlamanka lagu waydiiyay inay dhinkooda ka dabranyihiin dhamaystirka qabyada Doorashooyinku. sida ansixinta Komishanka, waxaanu sheegay inay Golaha Wakiilladu sabtida diyaar u yihiin inay ansixiyaan todobada xubnood ee Komishanka Doorashooyinka, laakiinse waxa uu intaa raaciyay inaanay wali madaxtooyadu u soo gudbin warbixintii xubnaha la ansixinayo. “Baarlamanku diyaarbuu u yahay inuu mar walba wixii howla ee ku xidhnaada dhamaystiro,sabtidana waxa Goluhu u diyaar yahay inuu ansixiyo Guddida doorashooyinka oo fadhi laysugu yeedhay, laakiinse ilaa hada waxa i soo gaadhaya inaanay wali xukuumaddu soo gudbin Dikumantigoodii”ayuu kaga baxay.
Muuse Biixi ayaa hadana la waydiiyay, in eeddaha xukuumadda loo jeedinayo ay wax ka jiraan, maadaama oo aanay wali waxyaabaha ka dhiman Guddida Doorashooyinka dhamaystirin?. Waxaanu ku jawaabay: waxa weeye Madaxweynuhu wuu soo magacaabay todobadii xubnood, waxyaabaha ka dhiman ee Goluhu ka doonayaana waa wax ku maqan Hay’addaha kale ee C.I.D-da ama kuwa kale ee la midka ah, markaa waxay ahayd Baarlamanku inay u doontaan Hay’adaha ay ku maqanyihiin waxyaabaha ka dhiman guddidu, laakiinse iyagaa howshan candadowlaya oo marba dhinac kaga imanaya”ayuu ku dooday.
Gabagabadii Dooddan ayaa waxa Guddoomiyaha Xisbiga UCID, la waydiiyay sababta uu isagoo hogaamiye Mucaarida ah uu u horboodayo inay Doorashadu muddo dhaafto, isla markaana Dawladda uu ugu qiil-samaynayo taasi.
Waxaanu ku jawaabay: “waxaan umadda iyo adduunkja tusayaa uun inaanay howshan Hay’addihii ku shaqada lahaa ka soo bixin, doorashadiina dib u dhacayso”. Ayuu yidhi.
Waxa kale oo la waydiiyay, Eng. Faysal: markaa waxaagu ma male ayuunbaa mise wax kale oo hoose ayaad ogtahay?
Waxaanu ku jawaabay:- wax badanbaa ogahay, horena waan u sheegay, iminka halkan ka sheegi maayo ,laakiinse 26 June Doorasho ma dhacayso.
Nuxurka Dooddan, ayaa Guddoomiyeyaasha saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland, waxay isku raaceen inay danaynayaan in doorashooyinku wakhtigoodii qabsoomaan , balse Guddoomiyaha UCID iyo Muuse Biixi ayaa dareen ahaan muujiyay inuu walaac kaga jiro wakhtiga cidhiidhiga ah inay doorasho ku dhici karto, halka uu Guddoomiye Cirro ku adkaystay inaan dib u dhac u muuqan xaggiisa.
Halkan ka dhegeyso Doodda:
[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/saddexda-xisbi.mp3"][/audio]