,waxaan culimada ka socodsanaynaa inay Salaada jimcayaasha dadka ku wacyi galiyaan nadafada kana hadlaan dhibta qashinku leeyahay,
sidoo kale saxaafada ayaan iyana farayaa inay doorkooda ka qaataan wacyigalinata= AG.Arr. bulshda dawlada hoose khadar Yousuf cali,
Hargaysa(GNA).Agaasimaha arrimaha bulshada iyo bilicda dawlada hoose ee Hargaysa, mudane. Khadar yuusuf cali ayaa culimada dalka ugu baaqay inay salaadaha Jimcayaasha ay kaga hadlaan ahmiyada ay Diinteena Suubani siisay ilaalinta Nadaafada islamarkaana ay bulshada ka wacyi galiyaan dhibta uu qashinku leeyahay iyo sida Diinta islaamku uga hadashay.
agaasimaha oo maanta u waramaayay warbaahinta maxaliga ah qoorkood ayaa ka warbixiyay wax qabadka waaxdooda iyo siday ay u shaqeeyaan xiliyada roobka oo uu sheegay inay dayaar garaw xoogan sameeyeen waxaanu sheegay in ay xiliyada roobka oo hada lagu jiro ay ka digtoonaadeen wax kasta oo dhib u keeni kara bulshada iyo bilicda caasimada hargaysa,Khadar yuusuf cali agaasimaha arrimaha bulshada iyo bilicda caasimadu mar uu ka hadlaayay waxaad caafimaadka ee dawlada hoose waxa uu sheegay inay qabtaan raashino iyo dawooyin wakhtigoodu dhamaaday oo dhacay islamarkaana ay ciday ku qabtaan ay saaraan ganaax iyo xadhiga lagu ciqaabo taas oo uu sheegay inay hada soo yaraatay islamarkaana ay gabo gabo ku dhawdahay, oo ay yaraadeen kiisaska ay ku qabtaan Alaabooyinka dhacay.
dhinaca kale agaasimaha arrimaha bulshada iyo bilicda Dawlada Hoose,ee Hargaysa khadar yuusuf cali oo ka jawaabay su,aal ay waydiisay shabakada Wararka ee Gobanimonews oo nuxurkeedu ahaa halka uu ku dambeeyay barnaamijkii bilicda caasimadu, ayaa shaaca ka qaaday in uu hada dhigidii marmarka balse ay dhawaan bilaabayaan hawshiisa,
sidoo kale agaasime khadar yuusuf cali ayaa sheegay in mashruuca xidhida laydha Soolarka uu isna dhawaan dhamays tirmidoono isaga oo sheegay in hada ijineerkii samaynlahaa uu fasax ku maqan yahay.
gaba gabadii agaasimaha arrimaah bulshada iyo Bilicda Caasimada hargaysa mr. khadar yuusuf cali ayaa shacabka caasimada hargaysa ugu baaqay in dhawraan nadaafada iyo bilicda caasimada islamarkaana ay ku dadaalaan inay qashinka la sugaan inta ay u imanayaan shirkadaha ka shaqeeya isaga oo dhan kalana culimada iyo saxaafadana u soo jeediyay inay doorkooda ka qaataan ka wacyi galinta bulshada loogu sheegaayo dhibta iyo mishkilada uu qashinku leeyahay.
Gobanimonews.com.office
Hargaysa/somaliland.
Mustafe Axmed Herer
email:Herersax@gmail.com