Reer Somaliland Oo Wax Ku Qaybsada Nidaamka Qabaa’ilku Siday Uga Dhex Muuqdaan Xukuumadda Siilaanyo, Iyadoo Ah Cashuur Bixiyaal Waxay Ahayd In Wixii Uu Xaq U Leeyahay La Siiyo Balse May Dhicin, Hadaba Waxay Ka Mid Tahay Beelaha Dhibta Ugu Badan Ka Tirsanaya Saami Qaybsiga Xukumadaa Axmed Maxamed Mohamed Siilaanyo,
Markaana Miyuu Iloobay Inuu Madaxweyne U Yahay Somaliland Oo Dhan Ee Aanu Madaxweyne U Ahayn In Beelo Gaar Ah
Su’aasha Qof Kasta Oo Caqli Lihi Isweydiin Kara Waxay Tahay Siday Ku Dhacday In Beesha Sheikh Muuse Dhariyo Ay Saamigii Qaranka Dalka Ay Ku Lahaayeen Ku Waayeen Maxay Tahay,
“Xukumada Madaxweyne Siilaanyo Ee Arrintan Garwadeenka Ka Ah Waxaan Ka Rabnaa Cadaalad Iyo Sinnaan , Waxaan Ka Sugaynaa Inay Ilaaliso Saami Qaybsiga Beelaha Somaliland” , Guntii Iyo Gunaanadkii Waxa Aan Ku Soo Gabo Gabayn Lahaa Maqaalkaygan Kooban , Waxa Aan U Soo Jeedin Lahaa Xukumadda Uu Hogaaminayo Madaxweyne Axmed Maxamed Muxumed Siilaanyo In Ay Dib Ugu Noqoto Saami Qaybsiga Beelaha Dalka Si Ay Somaliland U Noqoto Qaran Beel Welibana Uga Dhexmuuqto Saamiga Dalka
Qalinkii: Mohamed Abdi Jamac
Email: Mohamedudoode@hotmail.com