Wednesday, October 22, 2014

“Badhasaabka Gobolka Awdal Waxa Uu Hargeysa Ka Soo Kaxeystay Ciidan RRU Oo Aan Ka Amar Qaadan Taliyaha Booliska Gobolka+Arimo Kale Oo Xasaasiya.”Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Awdal.

Boorama-(GNA)-Daawo Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ee Gobolka Awdal C/kariim Maal Oo Ka Hadlay Arrimo Badan Oo Haatan Ka Taagan Dalka Waxana uu ugu horayn ka hadlay tabashadii hogaanka dhaqanka gobolada galbedka somaliland u gudbiyeen madaxwayanaha iyo wax ka qabasho la'aanta madaxwaynaha,sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay in wasiirka wasaaradaduulista iyo hawada somaliland uuna u qalmin in shahaado sharaf la siiyo balse badalkeeda ay tahay in maxkamad lasoo taago lagulana xisaabtamo xoolaha uu lunsaday waa siduu gudoomiyuhu hadalka u dhigayee..cabdikariim muse maal waxa uu ugu danbayn ka hadlay ciidamo RRU  oo badhasaabka gobolka awdal usoo kaxaystay inay ku ilaaliyaan gurigiisa.

BY:Mustafe Caraale

Gobonimo News

Borama Office

http://youtu.be/mdb3_1aTesw