Hoos ka dhegeyso: idinkoo Ciidankii, Guurtidii iyo wixiina oo dhami wada socda, Siilaanyo ayaanu Maamus ka xayuubin ku qaadaynaaye Golahaa inoo balan ah" Xildhibaan Xoog..
[caption id="attachment_100218" align="alignleft" width="300"] Rayte iyo Buubaa...[/caption]
Hargeysa(GNA)-Garabka mucaaridka Taageera ee Golaha Wakiillada, ayaa daboolka ka qaaday inay Heshiis lagu ragaadinayo howlaha Doorashooyinka wada galeen Guddoomiyaha Guurtida iyo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Shir-jaara'id oo ay ka daba qabteen mudaneyaal ay isku gole yihiin oo Eeddeymo u jeediyay Guddoomiyaha Golahaasi, waxa kale oo ay kaga digeen fowdooyin ay sheegeen inay xukuumaddu bilowday oo dalka lagu khalkhalinayo, si ay muddo kordhin u hesho.
Waxa kale oo ay ku dooddeen inaanay ogolaan doonin talaabada Shir-guddoonka Guurtidu ku soo celiyeen Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah. "Xeerka Guurtida aanu u gudbinay wuxuu ahaa xeer Lr.37 oo wax ka bedel lagu sameeyay inta lagu daray wixii ay xukuumaddu soo dhoodhoobatay ee Xeerka Diwaan-gelinta medeniga ah ay u bixiyeen, Dastuurkaanay ku taallaa nidaamka ay Goleyaasha baarlamanku isu dhaafsanayaan Mashruuca Sharci oo kasta"ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.
halkan ka dhegeyso:
[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/garabka-cirro.mp3"][/audio]