Fujaanku habkiisii ma marin………… Date: 22/10/2014
Odayaashii ruugcadaaga ahaa ayaa odhan jiray alla maxaan wax u soo joogay, runtii midh umay soo joogin marka loo eego ta aanu aragnay.
Intii madaxeen saan lahaa maynaan arag kumaynaan fikirin, Suldaan, aqoonyahan, dhalinyaro, hablo, hooyooyin iyo rag siyaasiyiin ah oo beeshii weynayd matelaya ayaa “Diiqo, fujaano ama xeedho” qaadi doona oo iyaga oo sacabka tumaya u gayn doona nin wasiir ah, haatanse dhacday haday dhici lahayd.
Haddii aan milicsano dhaqankeenii suubanaa ee ku qotomay Diinta islaamka, waxaynu ahayn haatan ka hor umad dhaqan, milgo iyo sharaftinimo hodan ah ku ah, taas oo marka aad dib u majiirato giraanta taariikhda ku xasuusinaysa qiimaha iyo qaayaha dhaqankeenu lahaa, iyo sida uu maanta u dhintay.
Shay kasta oo aan isticmaalo ama dhaqankeena ka mid ahi waxa uu ahaa mid munaasibad gaar ah ku suntan oo aan mid kale loo holan Karin, tusaale ahaan marka gabadh aad dhashay gayaankeed kaa soo doono, ragbaa gole la isku arkay is horfadhiisan jiray goobtaana la isku weydiisan jiray guud haldhaaley, gabaati iyo yaradna lagu kala qaadan jiray.
Marka in mudo ah la moog yahay ayaa aroos la illo xidhay lamaanahaa loo alloosi jiray, soddohda iyo gabadha la guursaday dumarka ay qaraabada yihiin oo dhan ayaa xeedho si farshaxan nimo leh looga soo shaqeeyey galbis ku gayn jiray gurigii aroosku ka dhacay, iyada oo intaa sacab iyo mushxarad iyo amaan ay dumarku ku galbinayaan.
Markaa dhigooda ayaa ku qaabili jiray farxad iyo heeso soo dhaweyn ah, sidaa bay ahaan jirtay xeedhada iyo arimeheedu.
Xeedho waxa loo samayn jiray oo meel fagaare ah oo umadu wada ogtahay lagu soo bandhigi jiray oo kaliya marka gabadh lagaa guursado ama aad soo guursato.
Laakiin waxa mudooyinkan danbe soo baxbaxaya in bahashii ‘’xeedho’’ ahayd xadaaradeedii ay hoos u dhac iyo karaamo la’aan la baday,waayo shay kasta oo meeqaamkiisa laga kaxeeyaa waxa uu mudanayaa meel kadhac.
Dhamaadkii muddo xilleedkii dawladii Rayaale ayay ahayd markii ay ka soo muuqdeen shaashadaha warbaahinta rag beello matalaya oo galbinaya fujaano ay ku xaalmarinayaan madaxtooyada Somaliland taas oo fajac iyo amakaag ku noqotay dadka intii aragtida fayow lahayd.
Waa haadba haad kici xaalkuye, waxa maalmahanba hadalhaynta bulshada iyo saxaafaduba qaadaadhigaysay Suldaan Dhabanada haya fujaan uu ku maamuusay wasiir ka mid ah xukuumada somaliland, xafladan yaabka leh ee fajaca galisay umada dal iyo dibadba ku nool, waxay ka dhacday Xaafada Axmed Dhagax.
Markii aan warbaahinta ku arkay arintan waxa maankayga ku soo dhacday tolow wasiirku xaafada Axmed Dhagax ma inanbuu ka guursaday, waanan ku farxay sababta oo ah guurku waa suneh illaahay jideeyey,inkasta oo su’aasha maankayga ka bixi weyday ahayd oo haddii uu gabadh ka guursaday fujaanada maye dumarkii qaadi jiray. Waxaabay sheekadii iga yaabisay markii aan hoos ugu daadegay nuxurkii fariintii maqaalkaasi ku saabsanaa, kaas oo aan ka waayey wax guur ah ama astaamihii lagu yaqiin xeedho iyo warkeed.
Soomaalidu waxa ay odhan jirtay “Nin Buka Boqol u Talisaye” tolow arinku ma colka wadhaf ma lagu dayey baa? Iyaba waa cibaaree waxanse ku laab qabowsaday markii aan arkay hadalka Nin Mujaahid ah oo la yidhaa Maxamed Biixi Caalin “Ooto” kaasi oo raaligalin ka bixiyey fujaanadaa Rag ka tirsan Xaafada Axmed Dhagax gudoonsiiyeen wasiirka Wassaarada Duulista Hawada, arinkaas oo uu ku tilmaamay arin aanay u dhamayn xaafadu, dhaqan ahaana aan wanaagsanayn, waano iyo dardaarana u soo jeediyey dhamaan bulsho weynta reer somaaliland in ay ka waantoobaan tan oo kale.
Guntii iyo gabagabadii waxa mudooyinkan danbe soo baxaya arimo ugub ku ah habdhaqanka siyaasadeed ee bulsho weynta Somaliland, kaas oo meel ka dhac ku ah dhaqanka iyo asluubka wanaagsan ee aan leenahay.
[caption id="attachment_100455" align="alignleft" width="90"] Wasiirka Duulista hawada Somaliland oo Xeedho la guddoonsiyay[/caption]
Waxa iga su’aal ah maxaa wasiirku ku galabsaday maamuuskan aan halkiisii lala helin………
By:- Mowliid Cumar Kibaar (Cabqari).
Tell: 063-4412857
Email: cabqari1979@gmail.com
Title: freelancer.