Wednesday, October 22, 2014

Xukuumadda Siilaanyo oo la soo degtay Gaaddiid Ciidan oo tiro badan

Mucaaridka  iyo Baarlamanka oo shaki weyn ka muujiyay Gaadiidkan oo uu Madaxtooyada u soo iibiyay Baashe Cumar Morgan..

FORHargeysa(GNA)-Ku dhawaad konton Gaadhi oo nooca Cabdi-bila ah ee dheereeya , ayaa soo gaadhay Dekedda Berbera todobaadkii la soo dhaafay dabayaaqadiisii, gaadiidkaasoo ah kuwa Ciidamada ee Qoryaha la saaro.

Gaadiidkan oo laga soo iibiyay Isu-taga Imaaraadka Carabta, ayaa qayb ka ah Boqol Gaadhi oo sida la sheegay Madaxtooyadu toos u soo iibisay oo qaybta kale ka dalbatay Waddanka Japan, kaddib markii laga waayay Dubai, sida ay Gobanimonews u sheegeen ilo-wareedyo gaadiidkan u dhuun daloola.

ma cadda cida la siinayo iyo meesha la geyn doono Baabuurtan oo qaybta dalka soo gaadhay uu Dekedda berbera soo gaadhsiiyay Markab todobaadkii hore ku soo xidhay, balse ilo-wareedyo ayaa sheegaya in loo soo iibiyay Ciidamada dalka.

Ilo-wareedyadu ma ay kala caddeyn Ciidamada gaarka u leh Gaadiidkan, inkastoo bilowgii la hadal hayay in loogu talo galay Ciidanka aan wali dhismahooda la dhamaystirin ee Ilaalinta Shirkaddaha Shidaal baadhista ( OPU-da).

Shakiga Baarlamanka iyo Mucaaridka

cid kastaba haloogu talo galee, Xisbiyada Mucaaridka ah, ayaa shaki ka muujiyay ujeedada loo soo iibiyay Baabuurtan.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah golaha Wakiillada Somaliland, ayaa maanta Warbaahinta u sheegay inay shaki weyn ka qabaan danta ay Gaadiidkaasi  dawladdu u soo iibsatay. Xildhibaanka ayaa tirada Gaadiidkan ku sheegay 140 Gaadhi oo nooca Qoryaha la saaro ah. “waxa weeye Iminka ayaa 160 Gaadhi oo qabaal ah oo cusub ayay soo iibsatay xukuumaddu, cid allaale iyo cid ogina ma jirto”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid.

Waxaanu intaas ku daray isagoo farta ku fiiqaya in Gawaadhidaas loogu talo galay  Ciidanka ilaalada Shidaal baadheyaasha shisheeye “waxa la leeyahay Shirkadaha Shidaalka baadhaya ayaa loogu talo galay in lagu ilaaliyo. waxa weeye Baabuurtaas horta qoryo waa la saarayaa, laakiinse dadka la saarayo garan mayno, waxa hadhow imanaya Shirkaddaha Shidaalka iyo Gawaadhidaa Tiknikada la saarayo, deegaankaa dabaddeed la gelayaa dad degenyihiin. Markaasna dadka deegaanka la galay ayaa kacaya Buuq baa dhalanaya”.

Xildhibaan Siciid ayaa ugu dambeyn uga digay Shacbiga, “marka buuqaasi dhasho nabad-gelyo daro ayaa imanaysa, dabaddeed doorasho dhici mayso ayaa la odhanayaa, markaa shacbiga Somaliland waxaan leeyahay waynu is-huranahay maanta waxa socda markaad eegto, dabaddeed waxa dhici doonta in sidii Rayaale xabad dadka laabta lagala dhaco, isaga (Riyaale) Tudhaale ayuu samayn jiray mararka qaar inkastoo ay wax ka baxsan jireene”.ayuu yidhi xildhibaan Siciid oo hadalkan oo ku soo daray Shir jaraa’id oo isaga iyo xildhibaano kale ay kaga hadlayeen arrimaha Doorashooyinka iyo muran u dhexeeya labada Golle baarlaman.

Si kastaba ha ahaatee Gaadiidkan oo sida ay Gobanimonews ka soo xigatay ilo-wareedyo kala duwan uu soo iibiyay Baashe Cumar Moorgan oo ah Wakiilka Madaxweynuhu sodoga u yahay, kaasoo la siiyay qandaraaska soo iibinta Baabuurtan oo aan Hay’adda Qandaraasyada Qaranka la soo marin dalabkooda, ayaa la sugayaa qaabka ay xukuumaddu u isticmaasho.

Waxaase loo baahanyahay inay Golaha Baarlamanku wax ka waydiiyaan cidda la siinayo iyo qaabka loo isticmaalayo Gaadiidkan Hay’addaha Dawladda u qaabilsan arrimaha Milateriga iyo saadka, si ay iftiimin xataa khusuusiya uga siiyaan Goleyaasha sharci dejinta arrintan.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com