Iibinta Maktamada Akhriska ee Gaadhi oo la cambaareeyay
Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay qorshaha dawladdu ku iibinayso Dhulka ay ka dhisantahay Maktamada Akhriska ee Gandi Library oo ku taalla badhtamaha Suuqa Hargeysa, gaar ahaan dacalka koonfureed ee Saldhiga dhexe.
Arrinta Iibinta Dhulkan oo beryahanba la hadal hayay, ayaa dhawaanahan isa soo tartay, kaddib markii ay Maxkamadda Hargeysa ay soo saartay waraaq lagu siinayo Dhulkaasi mid ka mid ah ganacsadeyaasha waaweyn ee Reer Somaliland.
Arrintaasi ayaa sii hurisay diidmada looga soo horjeedo in la baabiiyo goobtan qadiimiga ah ee waxbarasho, iyadoo ay wali dhinacyada diidani ambiil ka sugayaan inay dawladdu ka noqoto faasaxaada Maktabadan.
Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ku sii jeeda dalka Djibouti, ayaa yidhi “Horta Ninka Gaandi la odhan jiray wuxuu ahaa Raggii halgankii Gobonimo doonka ka soo qayb gaatay,waa Raggii Ururkii SYL u soo halgamay,wuxuu ka mid yahay raggii aasaasay Tacliinta.waxaan ka xumahay dadka markii horeba Library-ga sameeyay, waxay ahayd in la dumiyo meesha oo Library Casri ah oo qurux badan aynu ka dhisno, waa Magaalada Badhtankeedii, waa meel aad u mihiim ah oo ku haboon Library” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Eng Faysal Cali Waraabe waxa uu soo jeediyay in goobtaasi laga dhiso Xarun akhris oo balaadhan, loolana niyoonin Iib iyo wax la mid ah “Imika waxaan leeyahay goobtaas halaga dhigo City Center Library oo reer Hargeysa oo dhami ha dhiseen.Dawladda waxaanu leenahay Faraha ka qaada,halkan Shacbigaa leh,dhulkaas waanu dhisi doonaa Insha Allah,Reer Hargeysa ayaa sida Masaajidada loo dhiso u dhisi doona oo Lacag u Ururin doona.waa Magaalada badhtankeedii waa meel ku fiican In Library Dadweyne laga dhiso(Public Library),Dawladdana waxaanu leenahay faraha ka qaad.
Ciddii doonaysa inay Iibsato ee Damaaciday Library-ga waxaanu leenahay ka xishood Shacbiga, Shacbiga ha laga Xishoodo,Gaandi ha laga xishoodo, dadkeena Taariikhda lehna ha laga xishoodo.Umad baynu nahay ee haddaynaan Dadkeenii Taariikhda lahaa Cissaynin dee waxaa la idiin bixin doonaa Xaawo taako maydhan, Wallaahi in Magacyadii shisheeyaha la idiin bixin doono,markaa Gaandi daaya” .
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com