Sida aynu wada ogsoonahay isla markaana ka wada war qabno waxaa jira khilaafaad markasta kasoo dhex muuqda golaha wakiilada soomaaliland kaasi oo salka ku haya qabyaalad iyo qudhun iyo been abuuro aan sal iyo raad toona lahayn.
Taasina waxaa kuu cadaynaysa markasta oo khilaafkan oo kale yimaado waxaad arkaysaa xildhibaanada oo hab qabiil isku weeraraaya oo waliba warbaahinta isku marinaaya aflagaado qabyaaladaysan kuwaasi mararka qaar aad moodayso in meesha lagu kala yaacaayo ama dagaal la hurinaayo.
Inta badana markaad u fiirsato waxaa buuqa abuuraa waa koox u daacad ah gudoomiyaha golaha wakiilada oo iyagu caanba ku noqday qabyaalad aan geed loogu soo gaban runtii waa rag waaweyn ixtiraam mudan laakiin markaad eegto siday wax u wadaan waxaad is dhahaysaa waa qaloof iyo garaad aan is lahayn oo garaadka ayaa yar qalfoofkuna waa wayn yahay.
Dhinaca kalana waxaa jira xildhibaano kale oo iyaguna can ah oo difaaca madaxwaynaha isla markaana sutida u qabta kuwa difaaca danaha gudoomiyaha markaad isku soo wada duuduubto eed il qoto dheer ku eegtana meesha waxa la isku hayaa mabda iyo siyaasada saliim ah maahee waa qabyaalad iyo dano gaar ah.
Siyaasaduna waxay sideeduba ku wacan tahay marka wax la isku hayo ee lagu tartamayaa yahay mabda ama aragti xisbi ama barnaamij wax qabad oo qolo waliba qolada kale kula herdamayso dadwaynuhuna uu ka yahay garsoor iyo kala saare cadaali oo markastaba waxaa uu raacayaa kan barnaamijka iyo hogaanka wacan waana tan aduunku ku hor maray la iskuna dhaafo.
Aduunyada meel sideeda qabyaalad iyo xanuun lagu loolamaa ma jirto kamana dhacdo wax inaga inaga dhex dhacaa oo ah qabyaalad ku nool iyo kal xigtaysi
Qabyaaladina meel ay ina gaadhsiinaysaa ma jirto walal ha ku daalina kala xigtaysiga madaxwaynaha iyo gudoomiyaha waxaa kale oo aad ogaataan ujeedada l a idiin soo doortay maaha inaad sidan u dhaqan taane waa inaad umad wax u qabataan oo garataan shaqadiina tiisaba daryeela tukalana ku dara.
Soomaalidu wax dhahda nin QABIILKU NOOLI QARAN MA DHISO.
Dadku waxaa uu idiin haystaa masuuliyiin qaran oo wadanka lagu halayn karo hadana marka loo dhaba galo waxaad ku dhaqmaysaan iyo dhaameelka aad isku dilaysaan waa kaaf iyo kala dheeri wax meel ina gaadhsiinaysana maahee wadanka haloo midoobo oo wanaaga umada halaga sheqeeyo khilaafaadkana hoos ha looo dhigo ooh ala iska dhaafo ku jiqsii yaanu talaabsanta.
Guntii iyo gaba gabadii waxaad u muuqataan in la idinku cabiro hal ku dhigan.
WAAYEEL LAMOODYEEY WAGLADANA CIYAARAAY!!!!!!!
DUSHA SARE WANAAGEEY WAABAY LADUUSHAAY.
KUWII LOO WAN QALAYEE MAGACOOD LAWAAYAAY.
Wadanka sidan haloo dhaamo oo buuqa iyo qaylada qabyaaladaysan ee dhiilada iyo dhibka xambaarsan halaga jiro.
Tubta wanaagana halugu hago wahago umadiinana u tudha siyaasadiinuna barnaamij ha ahaato ee qabyaalad ayeyna noqon.
W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED (ABU CIZA)