Madaxda Saddexda xisbi, ayaa dalka Kenya kulamo kula yeeshay deeq-bixiyeyaasha Somaliland ka caawiya Doorashooyinka, kuwaasoo ay kala hadlayeen howlaha farsamo ee doorashada 2015-ka lagu wado inay dalka ka dhacaan.
Guddoomiyeyaasha oo maanta ka soo degay Madaarka diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa, ayaa warbaahin uga waramay natiijada kulamadii ay la soo qaateen deeq-bixiyeyaasha, waxaanay sheegeen inay meel wanaagsan wax isla soo dhigeen wakiillada dalalka dareenaya dimuquraadiyada Somaliland.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen qolka nasashada ee Madaarka, ayaa sheegay inay qaadhaan-bixiyeyaasha si gaar ah uga wada hadleen dhismaha Komishanka Doorashada iyo xeerka diwaan-gelinta.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada , ayaa sheegay inay rejo wanaagsan kala soo laabteen Qaadhaan-bixiyeyaasha.
Halkan ka Daawo: