Wednesday, October 22, 2014

Wefti ka socda Qaramada midoobay oo xaqiiqo raadin u tegay Baraawe

Baraawe_5Baraawe(GNA)-Magaalada Baraawe waxa booqasho ku tegay wefti ka socda Qaramada midoobay ,sida uu xaqiijiyay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Cali Diini.

Magaalada Baraawe oo dhawaan laga qabsay Al-shabaab, ayaa ah goob istaraatiiji ah oo fadhiisin u ahayd ururka Alshabaab sanadihii u dambeeyay.

Saraakiisha ka socda QM, ayaa waxa lagu sheegay inay yihiin khubaro dhanka ammaanka ku xeel-dheer, waxaanay kulamo la qaateen maanta Maamulka Gobolka, degmada, saraakiisha nabad-gelyo iyo qaybaha bulshada.

Sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka Baraawe, waxa ay sidoo kale weftigu kulamo la yeelan doonaan saraakiisha hogaaminaya ciidamada huwanta ah ee ku sugan Gobolka, iyagoo booqan doona xarumaha ciidamada.

Weftigan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee daneyayaasha arrimaha soomaaliya ee dibada ka socda oo booqda Degmadan raadadkii Alshabaab wali ka sii muuqdaan.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo laba todobaad ka hor booqday deegaankan ayaa balanqaaday inay dawladdu taageero u fidin doonto dadka halkaasi ku baro kacay iyo kuwo kale ee ka qatanaa gacanta dawladda.

Gobanimonews

Muqdisho Office

Email: editor@gobanimonews.com