Wednesday, October 22, 2014

Baarlamanka Somaliland oo isugu hanjabay Mooshino lagu ridayo Cirro iyo Siilaanyo

Cirro iyo Siilaanyo midkee miisaan yar?warbixin. S. Kalshaale

siilaanyo iyo cirroHargeysa(GNA)-Mudaneyaasha Aqalka Wakiillada Somaliland ayaa isugu hanjabay Mooshino Maamuus ka xayuubin ah oo lagu qaadayo Shir-guddoonka Golahaasi iyo Madaxweynaha dalka, kaasoo ay laba garab oo Golaha ka tirsani sheegeen inay Sabtida keeni doonaan fadhiga aan caadiga ahayn ee laysugu yeeshay.

Arrintan ayaa ka dambeysay, kaddib markii goluhu ku kala qaysamay Xeerka Diwaan-gelinta Medeniga ah iyo codbixiyeyaasha oo 30-kii Bishii la soo dhaafay ay ansixiyeen, balse Shir-guddoonka Golaha Guurtidu soo celiyeen, kaddib markii sida ay sheegeen loo soo gudbiyey Xeer aan ahayn kii Wakiilladu ansixiyeen oo Guddoomiye Cirro u gudbiyay.

Xeerkaasi oo sida ka muuqata waraaqo ay isdhaafsadeen labada Guddoomiye Baarlamaan , si weyn laysugu maandhaafsanyahay , ayaa waxa hakintiisa ka dambeeyay Xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada oo codsi u qoray Guddoonka Guurtida, kuwaasoo dalbaday in dib loogu soo celiyo Golahooda, ujeedada ay doonaan haka lahaadeene.

Guurtida ayaa soo celisay xeerkaasi iyagoo aan wax dood ah ka yeelan, waxaannay dooddiisa oo ka duwan sidii hore ay haatan ka dhex qaraxday Golaha Wakiillada oo qayb ka mid ahi guddoomiyahooda ku eeddeynayaan inuu ku kacay Khiyaamo Qaran, isla markaana uu Guurtida u gudbiyay xeer aan ahayn kii Goluhu ka doodday, kaddibna aqlabiyada ku ansixiyay.

Mudaneyaal ka soo horjeeda Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Cirro, oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta Golaha wakiillada ayaa tilmaamay inuu Guddoomiyahoodu ku kacay Khiyaamo qaran iyo Dastuur jabin.

Waxa ay sheegeen inuu Md. Cirro ku kacay Khiyaamadii ugu weynayd “Guddoomiyahayagu wuxuu ku kacay Khiyaamo Qaran iyo Dastuur jabin, waxaana ku waajib ah in talaabo sharci laga qaado” sidaasi waxa yidhi Xildhibaan Caraale oo ka mid ah Mudaneyaasha ka soo horjeeda Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

“Fadhiga aan caadiga ahayn ee Golaha Laysugu yeedhay sabtida, waxaanu keenaynaa Imbiijman maamus ka xayuubin ah, ilaa kaa la ogolaadona ka soo qayb geli mayno”ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xildhibaanadan oo ay ka mid yihiin Xildhibaan Cali Barre, Xildhibaan Cali Mareexaan, Xildhibaan Nacnac, xildh iyo xubno kale oo lagu tilmaamay inay Madaxtooyada ku xidhanyihiin, ayaa sidoo kale sheegay inay Maalinta sabtida Golaha wakiillada horkeenayaan Imbiijman ka dhan Guddoomiyaha.

Waxa kale oo ay Guddoomiye Cirro ku eeddeeyeen inuu Lugta hayo shuruucda Doorashooyinka “ Doorashooyinka hadii cidi lugta hayso oo Muddo kordhinta doonayso, waa Guddoomiyaha Golaha wakiillada, Musharax Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani” ayuu yidhi Xildhibaan Cali Barre oo ka mid ahaa Xildhibaanadan shirka jaraa’id ka hadlay.

Dhinaca kale, Mudaneyaal taageersan Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, oo shir jaraa’id ka daba qabtay Xildhibaanadan Guddoomiyaha eeddeeyey, ayaa wacad ku maray inay Maalinta Sabtida ah Golaha Wakiillada horkeenayaan Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaanadan oo ay ku jiraan, Xildhibaan Mahdi Ibraahim Buubaa, Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog iyo xubno kale, ayaa sheegay in xildhibaanada eeddeynta u jeediyay Guddoomiyahooda laga soo laaluushay Madaxtooyada.

“Ragga Madaxtooyada laga soo laaluushay waxay ka mid yihiin Masiibada haysata Golahayagan tobanka sannadood fadhiyay. Waxaanina waxay ka mid yihiin caqabadaha la doonayo in doorashada lagu carqaladeeyo ee ay xukuumadda iyo Guurtidu ka shaqaynaayan” ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble.

“waxa jira shan qodob oo la doonayo in Doorashooyinka dib loogu riixo, waxa ka mid ah in dalka fowdo iyo dagaal laga abuuro, waxa ka mid ah in Goleyaasha la qaso, waxa ka mid ah in Shuruucda Doorashooyinka marba dhinac lagaga yimaado”ayuu yidhi Siciid Cilmi Rooble. “Xeerka aanu Golaha Guurtida ubgudbinay waa xeerkii Diwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee xeer lr 37 oo aanu mar hore golaha ka ansixinay, kiibaa wax ka bedel iyo kaabis lagu sameeyay oo lagu daray wixii ay xukuumaddu soo dhoodhoobatay ee ay noo soo gudbisay”.

“hadii nimankii halkan ka hadlay ay yidhaahdeen waxaanu soo dhigaynaa Imbiijman Guddoomiyaha lagu ridayo, annagu waxaanu keenaynaa kii Madaxweynaha lagu ridayay oo aanu u hayno toban qodob oo sharci ah”ayuu yidhi Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog.

Waxa kale oo shirkan jaraa’id ee Garabka Guddoomiye Cirro ka hadlay Xildhibaan Rayte iyo Ibraahim Mahdi Buubaa, kuwaasoo sheegay in Guddoonka Guurtidu la saftay Xukuumadda, kana qayb qaadanayaan Mushkiladaha lagu ragaadinayo qabsoomida Doorashooyinka.

Waxa ay si cad farta ugu fiiqeen in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu isagoo aan Golihiisa horgeynin uu dib u soo celiyay xeer sharci oo golaha wakiillada ka fulay. “Xeerka Guddoomiyaha Guurtidu soo celiyey, waxa ay ahayd inuu Golihiisa u gudbiyo, kaddibna Golahaasi diido ama ansixiyo, laakiinse inuu xeer aan Golaha gaadhin nagu soo celiyo waa sharci daro” ayuu yidhi Mahdi Ibraahim Buubaa.

Laakiinse xildhibaanada ka soo horjeeda Guddoomiyaha Golaha wakiillada ayaa si aad ah ugu mahad nqay Gudoomiyaha Guurtida oo ay sheegeen inuu is-hortaagay xeerka sharci darada ah ee uu Cabdiraxmaan Cirro u gudbiyay.

Si kastaba ha ahaatee xiisad ka dhex qaraxday Golaha wakiillada ayaa u muuqata mid soo dedejin karta xaalad siyaasaddeed oo ku jiq sii ah.

Waxa la eegi doonaa halka ay labada maalmood ee soo socda xaaladahani isugu biyo shubtaan, iyo inay suurto-gal noqdaan mooshinada laysugu hanjabay maantu.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com