Monday, October 6, 2014

Tirada Xujaajta Ku Geeriyootay Gudashada Xajka Iyo Kuwa Ku Dhaawacmay sannadkan 1435 ee taariikhda Hijriyadda.

 

(GNA)-In ka badan 130 xujjaaj ah oo ka mid ahaa Xujjaajtii sannadkan 1435 ee taariikhda Hijriyadda ee,gudanaysay waajibaadkii xajjka ayaa ku geeriyooday intii lagu gudda jiray waajibaadka xajjka oo bilaabmay Labadii bishan October ee sannadkan 2014-ka.

XAAJJ

Dhimashada 130, qof ee xujjaajta ah ee dhintay ayaa lagu soo waramayaa in ay ahaayeen xujjaaj ka kala timi wadamada Carabta, iyada oo sababaha keenay dhimashadooda lagu sabababeeyay cuduro daba-dheeraaday iyo dhibaatooyin la xidhiidha da’ weyni, sida ay faafisay Wakaalada wararka e caalamiga ah ee International Islamic News Agency.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saareen shalay oo sabti ahayd masuuliyiinta dalka Boqortooyada Saudi Arabia, ayaa lagu sheegay in tiradii ugu badneyd ee xujjaajta geeriyootay ayu dhasheen dalka Masar, tiradooduna ay ahayd 14, halka kuwa klena ay u kala dhsheen wadamada Ciraaq, Algeria, Sudan, Morocco, Somalia, Yemen, Jordan iyo Mauritania.

 

Warbixintan waxa kale oo lagu xusay dad xujjaaj ah oo xanuunsaday intii ay ku guda jireen gudashada waajibaadka xajjka oo tiradoodu ay tahay 213, in hada lagu dawaynayo Cusbitaalo ku yaala dalka Saudi Arabia.