Monday, October 6, 2014

Al-shabaab: Degmooyin badan ayaa Cadowga u gacan galay”

shangooleBaraawe(GNA)-Kooxda Al-shabaab ayaa si ay ka muuqato in looga awood roonaaday dagaalka, uga hadashay qabsashada deegaamada gacantooda ka baxay, oo ay qireen in laga qaaday.

Sh. Fu’aad Maxamed Qalaf (Shangele), oo ah u qaybsanaha Ururka Alshabaab ee arrimaha Dacwada, ayaa sheegay in lagu soo qaaday Dagaal laysku bahaystay oo lagaga faro-maroojiyay deegaamo badan, balse wuxuu ku doodday inaanay niyad jabi doonin, siina wadayaan jihaadka.

Shangoole oo aan si toos ah uga hadal qabsashada Baraawe lagagala wareegay Kooxdiisa, ayaa tilmaamay inay difaaci doonaan dhulka gacantooda ku jira “Al-shabaab waxaa lagu soo qaaday duulaan ballaaran oo ay gaalo oo dhan isku bahaysatay, balse taasi nama niyad-jabin doonto, dagaalkana waan sii wadaynaa,” ayuu yidhi Shangole oo hadalkiisan kusoo beegay xilli gacantooda ay ka baxday degmada Baraawe oo saldhig weyn u ahayd.

Waxa uu intaas raaciyay “Degmooyin badan ayay cadowgu hadda ku sugan yihiin, kuwasoo ay horay Xarakadu u maamuli jirtay, balse waxaa naga go’an inaan dagaalkeenna sii wadno, waayo waxaan difaacaynaa diinta iyo dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa maanta si rasmiya ula wareegay magaalada dekedda leh ee Baraawe laf-dhabar u ahayd jiritaanka Ururka.

Baraawe ayaa xarun u ahayd Alshabaab lixdii sano ee u dambeysay, waaxaanay dekedda Magaalada ka dhoofin jireen Dhuxul ay geyn jireen Dalalka Carabta, taasoo ay sanad kasta ka soo geli jirtay lacag ka badan 25Milay oo Dollar.