Pakistan (GNA) Kooxda Talibaan qaybteeda ka dagaalanta dalka Pakistan ayaa markii u horeysay si cad u taageeray kooxda Daacish ee ka jirta wadamada Ciraaq iyo Syria.
Fariin ay kooxda ku talo gashay munaasabada Ciidul adxa, ayay ku sheegtay in ay soo dhoweynayaan dagaalka ay kula jiraan waxay ugu yeereen ‘’cadowga’’.
Hogaamiye ka tirsan kooxda oo la yiraahdo Maulana Fazlullah ayaa ugu baaqay kooxda ISIS in ay midnimo muujiyaan xilliyada adag isla markaana ay mar walba la garab taagan yihin.
Wuxuu intaas ku daray in Muslimiinta caalamka ay sidoo kale taageeri doonaan xilligaan oo ay kooxda Daacish wajahayso dagaal xoogan oo uga imaanaya quwadaha ugu waaweyn dunida.
Waa markii u horeysay kooxd Talibaan ee dalka Pakistan taageero u muujiso kooxda ISIS, iyadoo hore aan jirin wax heshiis dhexmaray labada dhinac.