Saturday, October 4, 2014

Saylici oo Maanta u tamashle tegay Hudheelka Maansoor isagoo Shicib ah

Maxaa kala qabsaday isaga iyo dadkii Hudheelka isugu yimi, muxuuse ka yidhi Su’aal Gobanimonews ka waydiisay dareenkiisa ku aadan Jawiga tamashlaha

[caption id="attachment_78799" align="alignleft" width="300"]Saylici Sawir hore[/caption]

Hargeysa(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa saaka tabashle ku tegay mid ka mid ah Majlisyada ay ku kulmaan siyaasiyiintu ee magaalada Hargeysa, kaasoo si caadiya oo aan wax muraad ah xidhiidh la lahayn uu u tegay gelinkii hore.

Saylici, ayaa isagoo aan wax istaaf ah wadan, wakhti badan kula qaatay Hudheelka Maansoor dad badan oo halkaasi ku sugnaa, kuwaasoo isugu jiray siyaasiyiin, waxgarad , dhalinyaro iyo Ubad yar-yar oo ay waalidiintood hudheelka u soo daawasho geeyeen munaasibada Ciidda Awgeed.

Waxa uu ahaa qof caadi ah oo Bulshadii Hudheelka isugu timi dhex qaadayay, iyadoo uu la socday Hal Nin oo Ilaaladdiisa gaarka ah ka mid ah, kaasoo aan wadan hub  ili qabatay ah iyo Dirays toona, kuna lebisnaa dhar shacab.

Waxaanu u muuqday inuu  indhaha Bulshada u baalalaynayay nabad-gelyada dalka ka jirta. “ waxaan shacbiga Somaliland ugu baaqayaa inay nabad-gelyadooda ilaalshadaan, nabad-gelyadu waa waxa aynu halkaa ku soo gaadhnay” ayuu yidhi Saylici oo la hadlay Gobanimonews, markii uu Hudheelka ka soo baxay.

Waxa uu intaas ku daray “ aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan shacbigayga halkan ku soo booqdo, waxaanay ka mid tahay waxyaabaha astaanta u ah nabad-gelyada dalkeena ka jirta” ayuu intaasi raaciyay.

Dad badan ayaa u riyaaqay, kuna tilmaamay kalsooni ka turjumaysa heerka amniga Caasimada Somaliland, waxaana intii uu madaxweyne ku-xigeenku hudheelka ku sugnaa ku soo uruurayay dad badan oo aad u xiisaynayay inay salaamaan ama ag joogsadaan, maadaama uu ka mid yahay masuuliyiinta qaranka ee loogu la kulanka yaryahay bulshada dhexdeeda.

Maaha markii ugu horaysay ee saylici Hudheelkan dhexdiisa lagu arko, balse waxa inta badan xilliyadii hore la arki jiray isagoo ay daba guurayaan askar badan oo Ilaalinaysa, halka ay maanta la socdeen dhowr xubnood oo ay ka mid yihiin Askariga dharcad ah, Afhayeenka Madaxtooyada iyo saraakiil ka mid ah Adeegyaashiisa gaarka ah ee aan ciidanka ahayn.

Shacbiga ayaa soo dhaweeya marka ay arkaan madaxdooda oo aan u socon si isla weyni iyo ilaalin badani ku jirto, iyadoo ay taasi ku tusayso nabad jacaylka iyo laab xaadhnaanta bulshada.

Cudur daar: Akhristeyaal hada idiinma soo gudbin karo sawiro filasho wacan goor dhow..

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com