Saturday, October 4, 2014

Hargeysa: Carruur ku dhimatay Ceel biyaha laga cabo iyo Wasiir waalidka u digay

War naxdin leh:Saddex Carruur ah oo ku dhintay Ceel-biyood ku yaalla Biyo shiinaha iyo fariinta Wasiirka oo isku beegmay...
wasiirHargeysa(GNA)-Wasiir u Dawlaha Wasaaradda Waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, ayaa Hambalyo u diray Munaasibada ciiddal adxada dhamaan Muslimiinta Adduunka iyo Shacbiga Somaliland, waxaanu si gaar ah tahniyad ugu diray bahda waxbarashada ee Wasaaraddiisa hoos yimaada.

Axmed Nuur Faahiye, oo Wariyeyaasha kula hadlay magaalada Hargeysa, iyadoo lagu jiro dabaal-degyada maalinta ugu horaysa maalmaha Ciidda, ayaa sidoo kale  waalidiinta ugu baaqay inaanay Carruurta yar yar ku soo daynin suuqyada jaamka ah, oo ay khatar badan kala kulmi karaan hadii aan cid wadin, isla markaana aan laga basrin waddooyinka halbowlaha Magaalada mara .

“marka hore waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan Muslimiinta Adduunka, Munaasibada Ciidda awgeed, waxa kale oo aan hambalyo gaar ah u dirayaa dhamaan bahda waxbarashada Somaliland ee kala duwan, ka bilow Madaxda Wasaaradda ilaa Macalimiinta, maamuleyaasha iyo howl-wadeenada Dugsiyada” ayuu yidhi.

Wasiirka ayaa sidoo kale waano iyo bogaadin u jeediyay Ardaydii sanadka dhamaysatay waxbarashada Dugsiyada sare iyo kuwa hoose dhexe, iyo kumanaanka kale ee ka qalin jabiyay Jaamacaddaha dalka.

Waxa uu u soo jeediyay dhalinyarada wax baratay inay dalkooda aaminaan oo ay ka xoogsadaan, kana dhowrsoonaadaan waxa uu ugu yeedhay Aafada Tahriibta, isagoo waalidiintana kula taliyay inaanay ubadkooda ku tahtiibin, ama ku taageerin safarka raxan-raadka badan ee Tahriibka.

“waalidiinta waxaan leeyahay haku taageerina carruurtiina inay tahriibaan, oo ay maraan jidkaa khatarta badan ee faraha baas ku haya dhalinyaraddeenii”ayuu yidhi.

Wasiir u dawlaha Wasaarada Waxbarashada Somaliland, ayaa sidoo  kale fariin ku aadan Munaasibada waxa uu u diray Waalidka, waxaanu ugu baaqay inaanay carruurta ku sii dayn Magaalada Jaamka ah. “waxa kale oo aan Barmaamujkan uga faa’idaysanayaa baaq aan u dirayo. Waalidka. Waxaan leeyahay Carruurta haku soo daynina Magaalada Mashquulka ah  ee ka daaya, waayo? magaaladu waa Jaam Gadhawaadii ayaa meel walba maraya, waddooyinkiibaa mashquul ah, markaa waxaan leeyahay ka daaya carruurta magaalada lagu soo dhex daynayo”ayuu kula dardaarmay waalidiinta.

Hadalkan wasiirka ayaa yimi iyadoo ay maanta Saddex carruur ahi ku dhaceen ceel biyaha laga cabo oo ku yaalla deegaanka Biyo shiinaha oo dhinaca waqooyi kaga beegan Magaalada Hargeysa, kuwaasoo la sheegay inay saddexdoodiiba dhinteen.

Dhacdadan naxdinta leh ayaanay wax tafaasiil ah wali ka bixin masuuliyiinta dawladda ee ammaanka, waxaana warku intaas ku daray inay saddexda ubad ah laba ka mid ahi ay walaalo ahaayeen.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com