Saturday, October 4, 2014

"Kuwa boobka ku haya waddanka waxa ka mid ah Culimada iyo Salaadiinta"Sh. Aadan Siiro

Daawo“ Anigu Xil kama doonayo Xukuumadda ee waxaan u dhaliilayaa inaan toosiyo, laakiinse dalku wuxuu ku socdaa inuu burburo”

SIIROOHargeysa(GNA)-Sheikha Aadan Xaaji Maxamuud  Xiiray (Aadan-siiro), ayaa cod dheer ku sheegay inuu dalku meel halis ah marayo, meeshana ka baxeen Cadaaladii, Maamul wanaagii dawladnimo iyo daacadnimadii hogaamintu.

Sheikha ayaa Khudbadii Salaada Ciiddal Adxada ee Maanta oo uu Garoonka Kubadda lagu ciyaaro ee Xawaadle uga jeediyay , boqolaal ruux oo halkaasi ku tukaday, waxa uu ku sheegay inay nabad-gelyada dalku meesha ka bixi doonto, hadaan sharciga iyo kala dambeynta la ixtiraamin.

Waxa uu jeediyay Khudbad ka mid ah kuwii ugu kullulaa ee uu ku dhaliilayo dhinacyada kala duwan ee hogaamiyeyaasha Bulshada iyo Indheer-garadka, oo ay culimada diintu ka mid tahay.

Sheikha ayaa dhaliilay dilka Saraakiisha Ciidamada oo uu tilmaamay inay horseedayso hadaan wax laga qaban fowdo iyo falal lagu beegsado Masuuliyiinta kale ee dawladda. “ kuwa dalka boobaya waxa ka mid ah Culimadda iyo Salaadiintii umadda hogaaminaysay”ayuu yidhi Sheikh Aadan.

Waxa uu intaas raaciyay “ afka kama qarsan karno waxa dalka ka socda, wadankanina wuu jirayaa, cadaaladuna way jiraysaa...” . ayuu sii raaciyay.

Halkan hoose ka Daawo Khudbada oo dhamaystiran: