Madaxweynaha ayaa markii laga baxay salaada, waxa uu khudbad u jeediyey shacbiga, waxaanu kula dardaarmay inay nabad-gelyada iyo wada jirka Ilaaliyaan.
Waxa uu hambalyo u diray Shacbig iyo Muslimiinta Adduunka.“waxaan shacabka somaliland ugu hanbalyeynayaa munaasibada ciida Adxa, waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu ciidan ciideeda inagu gaadhsiiyo bash bash iyo barwaaqo.”.
Madaxweyne Siilaanyo oo sii hadlay waxa uu yidhi“ waxaan leeyahay shacabka somaliland waa inaynu meel uga soo wada jeedsanaa ilaalinta nabad galyada dalkeena, waxaanan ku balamaynaa inaynu wada shaqayno.”.
Dhinaca kale, Magaalada Hargeysa ayaa maanta dabaal-degyada Ciiddu jawi nabad-doon ku bilaabmeen.
Sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha Gobanimonews ee Goboladu, waxa sidoo kale munaasibada Ciida ay shacbiga gobolladu ugu dabaal-degayaan nabad-gelyo, iyadoo salaadii Ciida lagu oogay Masaajida iyo goobo kale.