Wednesday, October 22, 2014

Hargeysa: Nin Kabo-tole ah oo gowracay Xaaskiisii oo Afar carruur ah u dhashay

Waxa uu qudha kaga jaray Mindida Xoolaha lagu bireeyo!!!

mindiHargeysa(GNA)-Dil argagax badan dhaliyay  ayaa ka dhacay magaalada Hargeysa habeenkii Salaasada, kaasoo Nin ka mid ahaa Dadka kabaha tola ama sameeya (Kabo-tole) uu ku qaarajiyay Xaas uu qabay oo Afar Ubad ah u dhashay!.

Gaydh Faarax Cabdilaahi oo ka mid ahaa Ragga Kamaha kar-kara ee Hargeysa, ayaa qudha ka jaray Maryan Xariir Maxamed oo ahayd Xaaskiisii oo uu afar Carruur ah  ka dhalay, taasoo uu halbowlaha Dhuunta Mindi ka geliyay , abaarro saddexdii iyo badhkii habeenimo ee salaasadii todobadka iyagoo gurigooda jooga, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaala.

Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Daami ee degmada Gacan-libaax, halkaasoo ay ku badanyihiin dadka ka soo jeeda Beelaha Gabooye “Dhuunta intuu Mindida ka geliyay ayuu ilaa xabadka ku kala jeexay, waxaana laga qaaday argagax markii la arkay siduu Gabadha u dilay.” ayuu yidhi  mid ka mi ah dadka xaafadaas degen oo Gobanimo la hadlay.

“markii hore Muruqyada ayuu kala dhacay Mindida, sida laga arkay Jidhkeeda”ayuu sii raaciyay.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Ciidanka Bilaysku gacanta ku dhigeen gacan-dhiiglaha falkan foosha xun gestay, waxaana shalay gelinkii dambe la aasay Marxuumada uu dilay ee xaaskiisa ahayd.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Ciidanka amniga oo la xidhiidha dhacdadan argagax badan abuurtay, balse warku wuxuu intaa ku darayaa inay saraakiisha Bilaysku baadhayaan sababta keliftay dilkan bahalnimada ah, iyadoo ay daruuri tahay in la ogaado in gacan ku dhiiglaha caafimaadkiisa maskaxeed caadi ahaa iyo in kale, sida laga soo xigtay saraakiisha laamaha ammaanka.

Sida ay Gobanimonews u sheegeen dadka aqoonta u leh qoyskan, waxa uu Gacan ku dhiiglahani hore u dilay walaalkii oo ka weynaa, kaasoo qabay Gabadhan uu habeen hore dilay oo uu dumaalay markuu walaalkii gacantiisa ku baxay.

“Gabadha waxa qabay markii hore  nin ay walaalo ahaayeen oo uu isagu dilay, dabadeed wuu dumaalay, waxaanay u dashay afar ubadda oo laba Wiil iyo laba Gabdhood ah”ayey sheegeen xubno ka mid ah deriska qoyska is-qaarajiyay.

Maaha markii u horaysay ee sanadahan dambe uu fal noocan ahi ka dheco Magaalada Hargeysa, balse dhacdo tan la mid ah ayaa  sanadkii la soo dhaafay la diwaaan-geliyay, taasoo ahayd Nin isaguna goob ku wada bireeyay Xaaskiisii iyo laba Ubad ah oo uu dhalay.

Waxaana muuqata inay soo badanayaan falalka noocan ee qoysaska isqaba dhex dhaca, taasoo  loo  baahan in bulshada laga wacyi geliyo si aanay u sii kordhin, iyadoo ragga falalkan oo kale ku kacaa ay yihiin kuwa isticmaala maandooriyeyaasha Maskaxada Bina-adamka bedela oo Khamrigu ka mid yahay.