Ciidamada ayaa si nabad-gelyo ah kula wareegay Magaaladan ay ku taallo Marsada Muhiimka ah, iyadoo aanay la kulmin wax iska cabin ah ama dagaal kaga yimi xooggagii Alshabaab ee ku sugnaa.
Dadka Deegaanka ayaa soo dhaweeyay qabsashada Ciidanka dawladda ee Degmada, balse waxay ugu baaqeen inaanay waxa dhibaato ah u geysan shacbiga oo ay dibada ka joogaan Magaalada.
Ciidanka Dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa fadhiisino ka samaystay hareeraha magaalada, iyadoo ay saraakiisha Ciidanku goor sii horaysay soo kormeereen xaalada magaalada, lana kulmeen qaybaha kala duwan ee Bulshada.
Warar laga helay dad goob-joogeyaal ah ayaa sheegaya inay Gudaha magaalada soo galeen askar ka tirsan kuwa Dawladda oo aan wax gaadiid ah wada, kuwaasoo sida la sheegay galay dukaamo ku yaalla meel laga soo galo Magaalada, gaar ahaan agagaarka Hudheelka Columbus Hotel.
“ilaa sideed iyo toban askari ayay ahaayeen, Dadka ayay waraysteen, waxay galeen Dukaamo yar yar , mid ka mid ah ayay waxoogaa yar oo lacag ah maqalka kala baxeen, markii dambena way iska baxeen” sidaasi waxa yidhi Goob-jooge magaciisa qariyay oo ku sugan magaalada Baraawe.
Saraakiil u hadlay Ciidanka Dawladda ayaa sheegay inay maalmaha soo socda xaflad balaadhan oo ay dadka kula kulmi doonaan ay ku qaban doonaan Magaalada. Waxaanay meesha ka saareen jiritaanka wararka sheegaya inay Ciidamaddoodu gudaha u galeen Magaalada.
Ugaas Maxamed Macalin Fiqi oo ka mid ah nabad-doonada Degmada Baraawe, ayaa isna VOA-da u sheegay inay soo dhaweynayaan imaanshiyaha Ciidanka Dawladda ee Degmadan, waxaanu ku taliyay in dawladdu dhakso u bilowdo sidii ay Maamulka iyo kala dambeynta Degmadan u sugi lahayd.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Kooxda Alshabaab oo ku saabsan la wareegista Baraawe oo xarun u ahayd sanaddo badan, balse waxa la sheegay inay dadka Magaalada kula sii dardaarmeen inay diidmo kala hortagaan Ciidamada Afrika iyo kuwa Soomaalida ee qabsaday.
Inkasta oo warar laysla dhexmarayo qaybo ka mid ah Magaaladu ay sheegayaan inay ku suganyihiin qaybo ka mid ah Magaalada Dagaalyahanada Alshabaab, hadana wali ma jiro qof indhihiisa ku arkay. “ may ma joogaan Magaalada Alshabaab, waxaanay ku suganyihiin sida aan wararka ku helayno Magaalada Hareereheeda” sidaas waxa yidhi goob-jooge kale.
Qabsashada Magaalada Baraawe ee dawladda Soomaaliya ayaa ah talaabo muhiim, waxaanay khubarada arrimaha Gobolku tilmaameyaan inay Kooxda Alshabaab wayday xuduntii ugu weyneyd ee laga maamuli jiray, dhaqaale ahaan, Milateri ahaan iyo maamul ahaanba.
Waa magaalo Deked ah leh, waxaanay kooxda Alshabaab Dekedda Magaalada Baraawe ka dhoofin jireen Dhuxusha oo ay geyn jireen wadamo ku yaalla gacan carabta, taasoo ay ka soo geli jirtay lacag lagu qiyaasay 25 Milyan oo Dollar sanad kasta, sida ay daraasado dhawaan la sameeyay iftiiminayaan.
Waxa ay magaaladani dhinacaxidhiidh ganacsi iyo mid isu socod la wadaagtaa magaalo xeebyada bariga afrika iyo kuwa carabta. sida magaalooyinka ku yaalla gobolka rabshaduhu hadheeyeen ee Kenya ee Lamu iyo meello kale oo gobolka ka tirsan.
Taasoo muujinaysa inay tahay meeshii laga soo abaabuli jiray weerarradii laga fuliyay Deegaanka Lamu ee Gobolka Xeebta kenya, sida ay ina tusayaan tibaaxaha laga helay Kooxda Alshabaab.
Bishii August ayaa Duqeyn dhinaca cirka ah oo ay Diyaarad marakaykanku leeyahay ka fulisay Magaalada waxa lagu khaarajiyay hogaamiyihii guud ee Ururka Alshabaab Axmed Cabdi Godane oo saldhigiisu ahaa tan iyo markii Dagaalyahanadiisu ay ka baxeen Magaalada Muqdisho.
Waxaanay haatan saldhig u ahayd hogaamiyaha cusub ee Alshabaab oo markii la dilay Godane halkaasi lagu magacaabay, iyadoo sida ay sheegayeen warar ka soo baxayay dhowrkii usbuuc ee u dambeeyay, uu khilaaf badan iyo kala shaki u dhexeeyay madaxda Ururka ee halkaasi ku suganayd.
Kala shakigan oo u dhexeeyay Taageerayaashii Hogaamiyihii la dilay oo ay hormuud u yihiin Garabka Amniyaadka ee waaxda wardoonka, dhinac uu hogaaminayo Amiirka cusub ee ururka iyo koox kale oo dhinac ah, ayaa saameyn ku yeeshay wada shaqaynta iyo midnimada Xarakada.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com