Hargeysa(GNA)-Gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye isla markaana ah xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada Somaliland md. Maxamuud Jaamac Warfaa oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa faahfaahin ka bixiyay shir hoosaadyo hogaanka xisbiga kulmiye maalmihii ugu dambeeyay uga socday xaruntooda Hargeysa oo warbaahintu si weyn u hadal haysay.
Maxamuud Jaamac Warfaa (Wadka) ayaa sheegay in shirkii labada cisho u socday hogaanka xisbiga Kulmiye lagaga hadlayey u diyaar garawga shirka golaha dhexe oo la filayo inuu daba yaaqada sanadkan qabsoomo.
“mudadii ay shirarku nooga socdeen xarunta dhexe ee xisbiga waxaanu ka wada hadlaynay sidii wax layskaga waydiin lahaa shirka golaha dhexe ee fooda inagu soo haya balse wax gaar ahi may jirin, waxaan ahayn hogaanka xisbiga iyo shir gudoonka golaha dhexe arintaas ku saabsan shirka golaha dhexe ee xisbigana waanu isla soo dhawaynay oo waxba iskumaanu diidin”ayuu yidhi gudoomiye ku xigeenka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye.
Xildhibaan Warfaa ayaa sidoo kale ka jawaabaya hadal ka soo yeedhay xisbiyada Mucaaridka ah oo loolanka Kulmiye ku saabsan “ inta uu Cali Guray leeyahay dhul gariir ayaa ka dhacaya shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye koodii ayuu ka dhacay, anaguna haddii aannu nahay xisbiga Kulmiye waxaanu ku rajo waynahay inay waxayagu si wanaagsan noogu soo dhamaadaan,” ayuu yidhi xildhibaan Warfaa.
Loolanka raga u tartamaya hogaanka Kulmiye ayaa si weyn looga dareemayaa saaxadda siyaasadda iyo xayndaabka xukuumadda, waxaana muuqda inay dib u curatay hogosha gor-gortanka kuwa doonaya Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka xisbiga oo ah Musharixiinta Mustaqbalka ee xisbiga, taasoo Madaxweyne siilaanyo inuu ka rejo dhigay aan la hubin.
Shirka Golaha dhexe ee xisbiga iyo shirweynaha xisbiga ee Guud ayaa labadooduba kaabiga saaran, waxaanay muujinayaan maalmo adag iyo mahadhooyin siyaasadeed oo xisbigu mudo la dhex dabaasho ilaa lagu kala baxayo.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com