[caption id="attachment_26650" align="alignleft" width="231"] Wasiir Cukuse ma ku guulaysan doonaa yoolkiisa la shaqaynta Saxaafada?[/caption]Hargeysa(GNA)-Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa shaqo joojin iyo xil ka qaadis isugu daray Madaxii Wararka ee Telefishanka dawlada ee SLNTV, sida Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Warfaafintu.
Wariye Xamse Cali Bul-bul, ayaa dhawaan Maareeyaha Telefishanka Qaranku u magacaabayMadaxa Wararka Tv-ga, ka dib markii uu ka qaaday Maxamed Xuseen Cali oo mudo dheer xilkaasi hayay.
Wasiirka ayaa la sheegay in talaabadan qaaday, ka dib markii uu Wariyeha ku eedeeyay inuu joojiyay war xalay ka bixi lahaa Telefishanka oo laga duubay Shirkad Ganacsi oo shalay lagu daahfuray Hargeysa.
Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa la sheegay inuu Wariyaha ku wargeliyay inuu xilkii ka qaaday,shaqadana ka joojiyay ilaa wakhti aan cayimnayn, taasoo Agaasimaha Guud ee wasaaradda uu ku amray inuu qoro Warqadda xil ka qaadista iyo shaqo joojinta.
Wasiir Cabdilaahi Maxamed Daahir, ayaa maalmahan la dareemayay inuu Loolan balaadhan ugu jiray sidii uu ula wareegi lahaa Maamulka Telefishanka qaranka oo Madaxweynuhu horaantii sanadkan Khilaaf soo noqnoqday dartii uga hoos saaray Wasaarada Warfaafinta, taasoo Buuq iyo muran hor leh ka dhex abuurtay Wasaaradda iyo Maamulka Telefishanka hadda.
Sabtidii todobaadkan ayuu si cad u sheegay inuu si toos ah u Maamulo TV-ga, waxaana ka dambeysay talaabadan uu qaaday oo u muuqata mid uu awooddiisa ku muujinayo, wallow sida la sheegay Maareeyihii Telefishanka laftiisu Olole uu arintan kaga hortegayo ku hawlanaa tan iyo markii Cukuse hawshan bilaabay.
Arimahan dhacaya ayaa muujinaya in wali Khilaafkii ragaadiyay Wasaaradda Warfaafintu halkiisii taaganyahay, suurto galna ay tahay in mar kale madaxtooyadu soo faro-geliso.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com