Monday, September 2, 2013

PL: Faroole oo ka noqday Go’aankii uu dawlada Federaalka Cawda ugu jiray, markii la aqoonsday Sh. Axmed Madoobe iyo Jubbaland


Nairobi(GNA)-Maamul Goboleedka Puntland ayaa ka laabanaya Go’aankii uu xidhiidhka ugu jaray Dawlada Federaalka ah ee somaliya bishii la soo dhaafay, ka dib heshiiskii Magaalada Addis-ababa ku dhex maray Dawlada iyo Maamulka Jubaland garabka uu hogaamiyo Wadaadka Sheikh Axmed Madoobe oo ka mid ahaa Madaxweyneyaashii isku soo caleemo saaray shirkii Kismaayo ka dhacay Bishii June horaanteedii.




Ma jiro war rasmiya oo ka soo baxay dawlada Goboleedka Puntland oo ku saabsan la laabashada go’aankeedii ay dawlada cilaaqaadka ugu jartay, hase ahaatee sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhadhow Madaxtooyada Garoowe, arintan ayaa ka dambeysay markii dawlada Federaalku ogolaatay nidaamka sheikh Axmed Madoobe oo Puntland taageero badan ka heysta.




Dhinaca kale, arintan waxa la sheegay in madaxweyne Faroole ku ogolaaday kulan 1 bishan September magaalada Nairobi ku dhex maray isaga iyo xubno ka socda maamulka sheikh Axmed Madoobe oo uu hogaaminayo hogaamiyahoodu.




Kulankan oo sida laga soo xigtay dhinacyada ka qayb-galay waxyaabo badan layskula gorfeeyay, ayaa mawduuca ugu weyn isfahamku ka dhashay lagu sheegay in madaxweyne faroole lagu qanciyay inuu ka laabto go’aankii uu cawda ugu jaray Dawlada Somaliya, taasoo uu eeddo badan u soo jeediyay markii uu talaabadan qaaday.




Ka noqoshada Madaxweyne Faroole ee go’aankii Eeddaha badan lagu ladhay ee xafiiskiisa ka soo baxay bishii Jully, ayaa dadka arrimaha siyaasadda ka faaloodaa ku micnaynayaan inuu marka horeba ku sal lahaa murankii siyaasadeed ee ka oognaa Maamulka Jubboyinka.




Khilaafyada soo noqnoqda ee ka dhexeeya dawlada Federaalka ah iyo Puntland oo inta badan ka soo bilaama dhinaca Garoowe, ayaa marka dambe ku dhamaada fulinta dano Faroole wato oo marka loo fulin waayo uu qiil ka dhigto inuu ka baxayo nidaamka Federaalka.




Gobanimonews




Nairobi Office




Email: editor@gobanimonews.com