Monday, October 20, 2014

Xildhibaanno xabsiga loo taxaabay Laascaanood

Muranka Goleyaasha deegaanka oo dalka ku baahay iyo dareenada laga bixinayo..

Maayarka_LaascaanooduuLaascaanood(GNA)-Laba Xildhibaan oo ka tirsan Golaha deegaanka Laascaanood ayaa xabsiga loo taxaabay kaddib markii uu buuq ka dhacay fadhi goluhu yeeshay, goob-joogeyaal ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay.

Xildhibaan sakariye Aadan muuse iyo Xildhibaan Xamse Cabdi hirad, ayaa  Maayirka Laascaanood ku eeddeeyay inaanu ogolayn la xisaabtan.

Maayirka la eeddeeyay ayaa ku sugan Magaalada Hargeysa, waxaanay xildhibaanadu sheegeen in saaka loo balansanaa in fadhi loo qabto, balse Maayirku hargeysa iska tegay.

Sanadkii la soo dhaafay ayay ahayd  markii ay gacan ka hadal uu dhaliyay muran u dhexeeyay Golaha Deegaanka degmada xubno ka mid ah iyo Maayirka, taasoo sida la xasuusto dhashay in Bastoolado laysla baxo.

Dhinaca kale, muran u dhexeeya Goleyaasha Deegaamada ee Magaalooyinka waaweyn ee dalka ayaa hadheeyay, dawladdaha hoose, ee Hargeysa, Ceerigaabo, Burco, Boorama iyo Gabiley.

Dadka arrimaha Maamulka Odorosa, ayaa tilmaamaya inay Khilaafyada Goleyaasha deegaanku salka ku hayo qorshe wasaaradda Daakhiligu dabada ka riixayso, kaasoo ay ku karbaashayso Maayirada qaar oo ka madax adaygay damac wasiirku daakhiligu ku doonayo inuu kula wareego Maamulka Miisaaniyadaha dawladda hoose.

“ma wanaagsana in la carqaladeeyo Goleyaasha Deegaanka iyo Maayirada, arrintaasi xaasaasiyad badan ayay abuuraysaa” ayuu Gobanimonews u sheegay Maxamed Cabdi oo ah Khabiir ka faalooda arrimaha siyaasaddu.

Inta badan Khilaafyada u dhexeeya Goleyaasha Deegaanka, ayaa salka ku haya arrimo dhaqaale, iyadoo ay xildhibaanada mucaaridku Shir-guddoonnada ku eeddeynayaan Lunsi Maaliyaddeed.

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com