Monday, October 20, 2014

Guurtida Somaliland: muddo kordhin ma samaynayno”Dhegeyso

salebangaalHargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo Warbaahinta markii u horaysay sharaxaad ka siiyay sababta ay dib ugu celiyeen xeerka Diwaan-gelinta medeniga ah iyo codbixiyeyaasha ee Wakiillada u soo gudbiyeen, ayaa daboolka ka qaaday inaanay gole ahaan dariiqa u xaadheyn cabaqad keeni karta in Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumadda.

Saleeban Maxamuud Aadan ayaa xaqiijiyay inay Golaha la soo doorto ee Xeer-dejinta ku celiyeen lifaaqa Xeerka loo soo gudbiyay, taasoo uu sheegay inaanay iswaafaqsanayn xeerka.

Halkan ka dhegeyso:

[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Saleban-o.mp3"][/audio]

Xisbiyada Mucaaridka ah iyo daneeyayaasha dib u soo celinta Guurtida ee xeerka diwaan-gelinta ku fasiray arrin caqabad ku keeni karta geedi socodka howlaha doorashooyinka, sida uu sheegay Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen.

Laakiinse Guddoomiyaha Xisbiga Xukuumiga ah ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ku tilmaamay doodda dhinaca Mucaaridka arrin waxba kama jiraan ah.

S. Kalshaale

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: curad1986@hotmail.com