Tuesday, October 21, 2014

Siilaanyo: Waxaan ahay Musharax inta sharcigu ii ogolyahay”dhegeyso

Madaxweyne Siilaanyo oo dalka ku soo laabtay :hoos ka dhegeyso

DSC_0148 (1)Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa dalka ku soo laabtay, kaddib markuu soo dhamaystay socdaal uu ugu maqnaa dalka ingiriiska muddo todobaad  ah.

Madaxweynaha ayaa magaalada London ee dalka UK, kaga qayb galay Shir caalami ah oo lagu dhiiri gelinayo Maal-gashiga Somaliland, kaasoo lagu soo casuumay Maal-gashadeyaal , Ganacsato u dhashay Somaliland iyo Xukuumadda.

Siilaanyo ayaa markii uu Madaarka Hargeysa ka soo degay waxa uu Warbaahinta uga waramay waxyaabihii uga soo qabsoomay Socdaalkiisa, siiba muhiimada Shirkii uu kaga qayb-galay London.

Madaxweyneha ayaa sidoo kale ka hadlay damaciisa siyaasaddeed ee Musharaxnimada Madaxweynaha ee shanta sanno  ee soo socoto, mugdi badani galay, markii la sheegay inuu ka tanaasulay hankiisii Musharaxnimo ee xisbiga talada haya.

Waxa uu si cad u sheegay inuu Musharax madaxweyne u taaganyahay Shanta sannaddood ee soo socda.

Halkan ka dhegeyso:

[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Codka-Madaxweynaha-JSL.mp3"][/audio]