Tuesday, October 21, 2014

Qalab iyo Daawo Hay’adda MSF kaga tagtay Xafiiskeedii Hargeysa oo la bililiqaystay

Daawo: Sawirrada Daawooyin dhacay iyo agab kale oo dhex wadhan Guri ay Wasaaradda Caafimaadku ku qarsatay iyo saraakiisha caafimaadka oo hadalo isburinaya kaga jawaabay...Warbixin xaasaasi ah

aafi,aadaHargeysa(GNA)-Agab kala duwan iyo Daawooyin ay kaga guurtay Somaliland Hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF Belgium  xafiiskeedii Hargeysa,  sanadkii la soo dhaafay  markii joojisay   Mashriicdii  ay ka waday cisbitaalka Burco iyo deegaamo kale, ayaa qayb ka mid ahi  ku dayacantay guryo  ay Wasaaradda caafimaadku ku qarisay oo ku yaalla Magaalada Hargeysa, qaybna la bililaystay.

Agabkan oo isugu jira, agab xafiis, Daawooyin iyo qalab caafimaad, ayaa waxa lagu xareeyay Guri fooq ah oo ku yaalla xaafadda Jig-jiga yar, halkaasoo maalmihii u dambeeyay qayb ka mid ah laga raray, qaybina  wali dhex daadsantahay.

Hay’addan oo Dawladda Somaliland kula gashay inay muddo shan sannadood ah gacanta ku hayso horumarinta Cisbitaalka Magaalada Burco oo ay dib u dhis iyo balaadhin ku samaysay, ayaa dalka uga baxday sababo ammaan markii ay sanad howshaas, waday una hadhsanyihiin afar sannadood.

Faahfaahin

Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiil Wasaaradda Caafimaadka ka tirsan iyo dad kale oo ka madaxbanaan dawladda, waxa  ay Hay’addu markii ay guurtay ka tagtay dhamaan wixii agabkii ay ku shaqaynaysay ee xafiisyada  iyo Daawooyinkii iyo agabkii caafimaad ee ay ugu talo gashay cisbitaalka ay gacanta ku haysay.

Alaabtaasi waxa ay kaga tagtay oo ay yaalleen xafiiskeedii guud oo  ku yaalay  Hargeysa, iyo laba Bakhaar oo waaweyn oo ku yaala xaafada masalaha ee koonfurta Hargeysa, halkasoo ay kayd ahaan u yaalleen shixnaddo qalab caafimaad iyo daawooyin isugu jira oo ay muddo sanad ah ugu talo gashay (Yearly kit).

Markii ay baxday, ayaa waxa la sheegay in qayb ka mid ah Daawooyinkii kaydka yaallay loo diray Cisbitaalka maamulaysay adeegyadiisa ee Burco, kaasoo wixii shaqo joojinteeda ka dambeeyay ay dawladdu la wareegtay kabista adeegyadiisa, inkasta oo shaqaalihii Hay’addu gunadda siin jirtay ay waayeen.

Hase ahaatee qaybo kale oo ka mid ah Qalabkii caafimaad iyo daawooyinka ay Hay’adu ka tagtay iyo agabkii kale ee xafiiska, ayaa muddo kaddib markay baxday laga soo raray halkii ay yaalleen, waxaana lagu xareeyay Guri fooq ah oo Wasaaraddu u kiraysay.

Amarka lagu soo raray qalabkaasi waxa la sheegay inuu bixiyay Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed (Xaglo-toosiye), kaasoo la sheegay inuu bixiyay Kirada dhismaha lagu kaydiyay, isla markaana looga shakisanyahay inuu bililiqaysi ugu talo galay.” Guriga lagu xereeyay waa guri shacab”ayuu yidhi sarkaal Dawladda u shaqeeya oo waaxda baadhis qaabilsan.aafiaadka

Wariye ka tirsan Gobanimonews oo si qoto dheer daba gal ugu sameeyay meesha ay ku dambeeyeen qalabkii ay ka tagtay Hay’addu iyo cida isticmaashay, ayaa loo sheegay in dhawaan qayb ka mid ah agabkaas laga raray Guriga wasaaraddu u kiraysay, qaybtaasoo aan la ogayn meel loo qaaday iyo cida raratay toona, “Sagaal Baabuur ayaa lagaga qaaday qayb ka mid ah meesha” ayuu yidhi mid ka mid ah Saraakiil arrin baadhis ku samaysay.

Wasaaradda Caafimaadka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cismaan Xuseen Warsame, ayaa sheegay in Cisbitaalka Burco loo raray Agabkaasi laga qaaday Guriga Wasaaraddu u kiraysay alaabtaas.

“Daawooyinkii Hay’addaasi ka tagtay Burco ayaannu u dirnay , qaybtii u dambeysayna maalin dhaweyd yaanu u dirnay wixii aan dhicin ee la isticmaali karayay”ayuu yidhi Agaasimaha guud.

“Way jirtaa wax yar oo (Disposal noqday)  wakhtiga isticmaalkeeddu uu dhacay oo laga reebay, laakiinse waxa loo diray daawooyinka ay isticmaalkooda wakhtiga u hadhay ka badantahay laba bilood”ayuu xaqiijiyay Agaasimaha Guud.

Hase ahaatee Saraakiisha Caafimaadka ee Magaalada Burco, siiba howl-wadeenada Cisbitaalka oo aanu la xidhiidhnay ayaa  caddeeyay inaan agabkaas iyo daawooyinka Hay’addaas loo keenin muddo dhow, balse maalmo yar kaddib markii ay baxday Hay’addu wax yar loo soo diray.

“maalmihii ay baxday ayaa waxoogaa daawooyin ah naloo keenay, laakiinse wax dambe noogama iman, waxaana nalugu yidhi wax kale ma yaallaan”ayuu sheegay Sarkaalkan oo ka tirsan Waaxda Daawooyinka ee Cisbitaalka Burco.

Dhinaca kale, Wariyeyaal iyo sawir qaadeyaal ka tirsan Gobanimonews oo booqday guriga ay alaabtu ku xereysnayd, ayaa waxay indhahooda ku arkeen bushqado Daawooyin ah, iyo qalab kale oo Kartoono ku jira oo wadhan Dayrka dhismaha meel bacad oo ay cad-ceedu ku dishay.aafimad

Wariyeyaashu cid kulamay kulmin guriga oo Ganjeelkiisa xidhnaa, balse waxay dusha ka qooraansadeen markii laga furiyay waayay alaabta meesha wadhan oo Sawirro ka qaadeen.

Mid ka mid ah dadka jiiraanka la ah gurigan daawooyinka lagu qariyay ayaa sheegtay “ ilaa habeenadanba waxbaa meesha laga rarayay, mooji meel la gaynayaye” ayay tidhi Haweenay dan oo Waddada kula kulantay suxufiyiintu.

Waxay intaas raacisay , “ muddo dheer ayay alaabtu meesha taalay”ayay sii tidhi iyadoo dhinaca Koonfur u raacaysa Dariiqa.

Suurto gal may noqon inay Wariyeyaashu helaan Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Axmed oo ka sekow inuu amarkii alaabta markii hore lagu soo raray lahaa, ah Masuulka ugu sareeya wasaaradda arrintani khusayso, balse waxa iska cad in agabkan caafimaad wixii dawladda gacanteeda soo galay ee aan la gaadhsiin cisbitaalka loogu talo galay uu ku maqanyahay Lunsiga, marka laga reebo qaybtan ku dayacan guriga lagu qariyay.

Wasiirka ayaa safar dibada ah dalka kaga maqan,waxa kale oo aanaan helin ku-xigeenkiisa oo ah kusimaha Wasiirka.

Waxaanay noqonaysaa markii ugu horeysay ee xatooyo noocan ah lagu sameeyo Hanti ammaano ku ah dawladda oo loogu talo-galay goobaha caafimaadka oo aan helin dhaqaale ku filan dhamaystirka adeegyada ay bixiyaan ee bukaan socodka.

Sawirrada Daawooyinka dayacmay
aafi,aadla


aafimada aafimadka

Gobanimonews

Hargeysa Office

Email: editor@gobanimonews.com