Hargaysa(GNA)-Wasiirka Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa markii ugu horaysay hir-geliyey qorshe Maxaabiista ku jira Xabsiga Hargeysa kula soconayaan Culuumta Diiniga ah iyo Casharada tafsiirka Qur’aanka kariimka ah ee ka socda Masaajida Magaalada qaarkood.
Laba Masaajid ee Cali Mataan iyo Addiinaa ee Magaalada Hargeysa oo ay inta badan culimada waaweyn ee Magaaladu ka mariyaan Casharo diiniya, ayaa Sameecaddo loogu rakibay Jaalka dhexe, waxaana sameecadahaasi lagu xidhay Xadho codka looga soo talaabay cod-baahiyayaasha masaajidaasi ku rakiban, sidasina waxa Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland.
Hir-gelinta Hawsha waxa la sheegay inay Shirkadda isgaadhsiinta ee Telesom gacan ka geysatay, isla markaana Wasiir Khaliil Cabdilaahi fuliyay, iyadoo ujeedada looga gol-leeyahay ay tahay in dadka Maxaabiista ah ee Jeelasha ku jiraa ay helaan waxbarasho diiniya iyo wacyi-gelin, si dhaqankooda iyo yiqiin u dhismo.
Maxabiista ayaa si toos ah u dhagaysanaya marka hawshan la dhamaystiro Muxaadirooyinka iyo Wacdiga diiniga ah ee ka socda laba Masaajid ee Cali Mataan iyo Adiina oo ay ka socdaan Kutub iyo Casharo kale oo diiniya oo ay ka faa’iidaystaan Boqolaal dadweyne ah oo ay ku jiraan Masuuliyiinta dawlada.
Talaabada waxa si weyn u soo dhaweeyay Madaxda Bilayska iyo Asluubta oo la dhacay hindisaha wasiirku ku sameeyay farsamadan cusub, waxaanay ku tilmaameen arin baahi weyn loo qabay oo wax ka bedeli doonta Hab-dhaqanka Dadka ku xidhan xabsiga iyo Ciidanka ilaalinaya oo laftoodu ka mid noqonaya kuwa ka faa’idaysanaya Culuumta halkaasi lagu soo gaadhsiiyay farsamada.
Wasiir khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa hore u hirgeliyay Idaacada Qur’aanka Kariimka ah oo dadweynaha reer Somaliland si diiran u soo dhaweeyeen, iyadoo ay si muuqata u soo kordhayaan tallaabooyinka horumarineed ee uu Wasiir Khaliil Cabdillaahi Axmed ka sameeyey Wasaarada Diinta iyo Aw-qaafta Somaliland,isagoo ku dhiiri gelinaya bulshada kor u qaadista Barashada Diinta.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com