Hargeysa(GNA)-Madaxtooyada Somaliland ayaa war ka soo saartay Heshiiska dhex maray Xukuumadda iyo Shirkadda GENEL ENERGY oo dhawaan hakisay hawlo sahamin shidaal.
Warkan oo lagu xaqiijiyay jiritaanka heshiiskaasi, islamarkaana lagu qeexay in waxyaabaha Wasiirrada iyo Shirkaddu ku heshiiyeen ay ka mid tahay inay Xukuumaddu si ka dhow sidii hore uga shaqeyso fulinta hawshaasi, ayaan wax nuxur ah oo kale xambaarsanayn.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul ayaa u dhignaa sidan “Wasiirada Arrimaha dibeda iyo macdanta iyo tamarta, Maxamed Biixi Yoonis iyo Eng Xuseen Cabdi Ducaale oo todobaadkii ugu danbeeyey socdaal shaqo ku joogay Dalka Ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay madaxda shirkada Genel Energy oo hawlo shidaal baadhisa ka waday Jamhuuriyada Somaliland dhawaana sheegtay inay si ku meel gaadha u hakisay shaqadii shidaal qodista ayaa kulankaasi waxaa ka soo baxay sida ay noo xaqiijiyeen xubnahaa weftiga wasiiradu in shirkadaa Genel Energy aanay ka tegayn Jamhuuriyada Somaliland isla markaana ay hawsheedi sii wadidoonto.
Hakis-kaasina uu ahaa mid ay ka dhalatay amba fursad siiyey in ay ka soo baxdo in labada dhinac ay si dhaw oo xoogleh uga wada shaqeeyaan sidii hawshaasi looga gaadhi lahaa ujeedooyinkii laga lahaa, Dawlada Somaliland ay balan qaaday waxkasta oo fudaydinaaya siina adkaynaaya wada shaqaynta labada dhinac ay fulinayso, sidii hore iyo si ka sii wanaagsan.
Dhinac Shirkada Genel Energy ay u xaqiijisay wasiirada in ay shaqadii sii wadi doonto taas oo labada dhinacba ahmiyad weyn u leh.
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
Joojinta Sahaminta Shidaalka ee Shirkadda GENEL ENERGY ku dhaqaaqday ayaa laf dhuun gashay ku noqotay dawlada Somaliland iyo bulshada rayidka ah, waxaana muuqata haatan in madaxtooyadu durba arinta si neef tuur ah ugu beyaaminayso bulshada xalka dawladu sheegatay.
Wali waxa taagan oo dood ka taagantahay waxyaabaha jiray ama sababaha dhaliyay go’aanka shirkadu kaga baxday Somaliland oo aan ku qeexnayn heshiiska la iclaamiyay
Walise dhinaca shirkadda arintani ka soo fushay markii hore wax war ah oo rasmiya lagama hayo, waxaanay wax waliba kala cadaan doonaan marka hadal cad oo ka noqosho ah laga helo maamulka shirkadda Genel Energy.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com