Saturday, September 21, 2013

Damaca madaxweyne siilaanyo ma laga yaabaa in Muuse kaga baxo saaxada siyaasadeed s/land ???!! by: Dr: Elmi saeed mouse


 



















Tartan siinta Muuse iyo samaale waa  qaar ka mida isku dilka dad kala ujeedo ah waxaanay ka mid                        tahay abaal la’ aanta m. siilaanyo




w







Sooyaalka siyaasadeed ee ay umadi soo marto waxaa laga dhaxlaa taariikh iyo dhacdooyin




cajiib ku noqda siyaasiyiinta waqtigaa is gaashaan buuraysiga siyaasadeed ku jira. Siyaasada lagaga dhaqmo qaaradan madaw ee afrika runtii waxay ku dhisan tahay dano joogto ah waata soomalidu ka mahaamaahdo ee tidhaahada siyaasadi ma laha saxiibtimo joogto ah ee waxay leedahay dano joogto ah .




Hadaba waxaa maalimihii u danbeeyay saaxada saxfaada soomaaliland si way looga hadal hayay odhaaha iyo bambooyinka qafilan ee khilaafka ka dhex abuuray xisbiga kulmiye   ee xildhibaan waabeeye looga soo dhiibay aqalka madaxtooyada oo sida runtu yahay sadaalin siyaasadeed oo runtii la filayay in badana hore loogu sheegay muj muuse biixi laakiin muu garan , hadaba  bal dib aynu u raacno heshiis yadii ay wada galeen muuse iyo siilaanyo .




 




Sida ku cad axdigii iyo heshiiskii ay kala saxeexdeen muuse iyo siilaanyo waxaa uu  ahaa kii lagu galay ololaha doorashooyinka madaxtooyada ee uu xisbiga kulmiye ku noqday xisbi xaakimka , heshiiskaasi waxaa uu qorayay in hadii uu siilaanyo ku guulaysto hogaanka talada dallka in gumooyinimada xisbiga lagu wareejiyo muuse biixi  taasi si cad oo badheedhe  ayuu ahmed siilaanyo ugu wareejiyay muj muuse biixi .








Talada iyo hogaaminta xisbiga kulmiye waxaa iska leh gudoomiyaha xisbiga kulmiye sida ku cad xeer hoosadka u dajisan xisbiga kulmiye maaha mid kolba qodob loogaga soo daro madaxtooyada ,




Waxaa ayaan daro noqotay inuu  muuse noqday gudoomiye garan waayay awoodiihiisa uu xaqa u leeyahay . kaasi oo ku guul daraystay inuu si cad u hor istaago  Faro galin tooska ah ee uu madaxweyne siilaanyo iyo xaynta  ku dhisan shakhsi nacaybka gudoomiye muuse biixi  ku hayaan xisbiga dhexdiisa tulaase waxaa inoogu wada filan in golahii dhexe ee xisbiga uu si toosa madaxweyne siilaanyo ugu daro xubno ka tirsan xukuumada uu madaxweyne siilaanyo gadhwadeenka yahay taasina waxaa ay ka dhalatay khilaaf xoogan oo soo kala dhex galay samaale iyo muuse kadib markii uu samaale ka qayb galay xukuumada siilaanyo oo uu mansab wasiirsnimo ku doorsaday kursigii uu ku fadhiyay ee dahabka ahaa .




Shalay




Ceebayntii iyo jidh dilii ku dhisnaa cadaawada ee uu sida tooska ah ug badheedhay siilaanyo iyo raga badan oo ay qaaday caadifada qabyaaladeed oo aan is odhan karaba sida run ah malaha waxaa ay ku jirrayba agendiha qodobada ka soo baxay  shirkii gar adag .




Maanta




Muusow: m.siilaanyo waxaa uu garan  waayey halgankii iyo dhibaatadu uu soomaray c.rahman inuu maruun siilaanyo noqdo  madaxweyne ee maxaad ka filaysaa adnaa inuu abaalkaagu noqon doono, bal sifiican u eeg muwaadin taariikhda sawiradan ee geesinimadii C.rahman c.qadir ee shir weynihii 1aad  ee xisbiga kulmmiye.




Muxuu ahaa barnaamijka siyaasadeed ee xukuumada siilaanyo eek u waajahn xisbiga kulmiye?




Madaxweyne siilaanyo waxaa uu soo dhisay xukuumada uu isagu jeebkiisa ka soo magacaabay oo wada qaraabo iyo xidid ah taasi oo aanay ku jirin halyeyadii ay soo wada mareen hayaanka dheer ee siyaasadeed kaasi oo ku wacad furay balan qaad yadoodii ahaa inay mar uu gaadhaan hankooda siyaasadeed ee inta badan dhibaatada iyo rafaadka u soo mareen , taasina waxaa si  badheedhe ah ugu wacad furay mudane siilaanyo oo runtii ku si foobay balan Daro iyo ceebayn muwaadiniin ka madax banana fadeexad tusaale ahaa Xamarje oo uu sheegay in waxba lagu waayay . sawirada qaar ka mida xubinihii ugu fir fircaanaa xisbiga kulimiye ee uu siilaanyo awrka ku kicistay








Iskeerse + c.rahman a.qadir iyo qaar kale oo badan




Balan darada madaxwyne  siilaanyo kama duwana balan qaadayadii hore ee uu waqtigii uu ololaha ku jiray  u qaaday garabadiisii siyaasada kula jiray ee uu hadhka cad alaabada madaxtooyada uu ka  xidhay ee tolow manta maxaa uu muuse ula yaaban yahay hadii uu siilaanyo soo rogaal caliyay ilayn dulmiyo badan ayay wad galeen oo ay soo wada mareene taasi waxaan leeyahay muuse waxaa sharaf kuu ahaan lahayd inaad si cad uga hadasho dal dalaadii iyo jidh dilkii muj.A/rahaman A/qadir  oo ahaa gudoomiye ku xigeenkaaga dhabarka uga jabay taageerida madaxweyne  siilaanyo oo runtii ah qof aan gudin abaalka loo galo  , hadaba muusow waxaa sidaad ogayd laga yeelay ninkii aad saaxiibka ahaydeen ee maxaad filaysaa adna








Maanta maaha maalin loo calaacalo waxiii dhacay ee shalay ee waxaa looga baahan yahay gudoomiye muuse  sidii uu uga badheedhi lahaa wax ka sato oo ka suurooba siilaanyo . iyo dadka maagaabka ah ee u adeega,




Waxaan mudo badan is waydiinayay waxa ay heshiiska ku yihiin muuse iyo siilaanyo oo la ogaa xidhiidhkoodii waqtigii lagu jiray halgankii dalka dib loogu xoreeyay?




 




                                 Email: abdihakimsaid12@gmail.com   




                                Tell:   063-  4425453 ama  9122150 somtel for more information