Monday, September 2, 2013

Boko Haram Oo La Sheegay inay Dad ku Dileen Dalka Nigeria.


Nigeria(GNA) Ugu yaraan 24 ruux ayaa lagu soo waramayaa inay ku dhinteen weerar la sheegay inay dagaal yahanka Boko Haram ku qaadeen koox dhalin yaro ah oo ku sugnaa waqoyiga bari ee dalka Nigeria sida ay sheegayaan saraakiisha amaanka ee dalka Nigeria.




Weerarkaasi oo la sheegay inuu ahaa mid gaadmo ah ayaa waxaa sidoo kale ku maqan 34 ruux kadib markii dagaal yahano la sheegay inay ka tirsan yihiin Boko Haram weerar ku qaadeen meel ku dhow magaalada Monguno ee gobolka Borno.




Saraakiisha amaanka Nigeria ayaa tilmaamay in dagaal yahanku ay xirnaayeen dareeska ciidamada dowladda Nigeria kadibna ay weerar gaadmo ah ku qaadeen koox dhalin yaro ahayd oo garaysay 100 ruux iyagoo halkaasi  ku dilay 24 tiro kalena kaxaystay.




Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in dhalin yaradaasi ay ciidamadeeda taageeri jireen isla markaasina ay ku dhiiri galin jireen dagaalka ka dhanka ah dagaal yahanka islaamiga ah ee Boko Haram.




Magaalada uu weerarku ka dhacay ee Monguno ayaa la sheegayaa inay 160 km waqoyiga bari kaga beegan tahay caasimada gobolka Borno ee Maiduguri.




Diyaariye:ASKAR




Gobanimonews.com