Thursday, September 5, 2013

Boateng Oo U Jawaabay Klopp: Hadaladiisa Ma Aysan Aheyn Wax Lagu Qoslo.


Saxiixa cusub ee Schalke Kevin-Prince Boateng ayaa sheegay in hadaladii macalinka Dortmund Jurgen Klopp eela xiriiray ka soo tagistiisii AC Milan inaysan aheyn wax lagu qoslo.




26 jirkaan ayaa amaah lix bilood ah ku qaatay Dortmund xilli ciyaareedkii 2008-09 iyadoo Klopp uu macalin u ahaa ka hor inta uusan ka tagin oo uu ku biirin Portsmouth iyo Rossoneri.




Xiddiga reer Ghana ayaana dad badan ka yaabsaday markii uu ku biiray kooxda ay sida aadka ah u xafiiltamaan Dortmund ee Schalke isbuucii hore, iyadoo Klopp uu shir jaraa’id ku sheegay isbuucii hore inuu fariin qoraal ah u diray Boateng isagoo u qoray “Sabab Schalke????????” ka hor inta uusan dhihin la yaab ayay igu aheyd inuu Schalke ku biiray.




 




 




“Dad badan ayaa hadalkiisa u qaatay kaftan lagu qoslo, laakiin qosol uma arkin” ayuu Boateng u sheegay jariirada Bild.




“Xitaa hadii Kloppo iyo aniga uu xiriir fiican naga dhaxeeyo, ma maqli doono anagoo wax xun isaga ka sheegaaya, laakiin shirkiisii jaraa’id waan ka yaabay.”