Berbera(GNA)-Biyo la’aan aad u daran ayaa ka jirtay Magaalada Xeebta ku taala ee Berbera bilihii ugu dambeeyay, taasoo gaadhay dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay ugu darneyd abid.
Dhawr Xaafadood ka mid ah Magaalada ayaan labadii bilood ee ugu dambeeyay wax biyo ah helin, isla markaana haatan xaaladooda nololeed aad looga dayrinayaa, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Bulshada xaafadahaasi degen oo maanta cabasho la hortegay Xafiiska Wakaalada Biyaha ee Magaalada.
Biyo la’aanta ayaa ku soo beegantay bilihii ugu kululaa xiliga Xagaaga oo gabo-gabo ku dhaw, waxaana heer kulka xeebta Berbera gaadhaa xiligan oo kale meel aad u saraysa oo nolosha dadka iyo duunyadu halis gasho.
Xaafadaha Burco Sheikh iyo Filand, ayaa ugu daran meelaha dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay Qasabadaha Biyo laga cabin, waxaana Bulshada ku nool qaarkood oo Gobanimo la hadlay sheegeen in lagu qaaliyeeyay Qiimaha Biyo Booyaduhu ka soo dhaamiyaan meel aad uga fog magaalada oo laga Iibin jiray.
Ma jiro wax war ah oo la xidhiidha sababta biyo yaraanta Magaalada sababtay oo ka soo baxay Maamulka Gobolka iyo Saraakiisha dhinaca Biyaha qaabilsan ee Gobolka saaxil iyo degmada Berbera toona, hase ahaatee sida ay sheegayaan ilo-wareedyo Gobanimonews ka heshay arintan, ayaa loo sibir saarayaa inay ka timi biyo dheeraad ah oo Wakaaladda Biyaha ee Berbera u xidhay Maxjarada waaweyn ee Xoolaha la dhoofinayo lagu xanaaneeyo ee ku dhisan magaalada, kuwaasoo xiligan xoolo aad u badan la keeno.
Labadan Maxjar oo kala Al-jaabiri iyo mid ay leedahay Shirkadda Deero, ayaa lagu waramay inay isticmaaleen biyo ka badan intii ay hore u qaadan jireen, maadaama xiligan lagu gudo jiro xiliga xoolaha Xajka la dhoofiyo.
Markii ay Dadku Maanta Cabashada la hortageen Wakaalada Biyaha ee Magaalada ayaanu ku sugnayn halkaasi Maareeyaha Wakaaladu, waxaana la sheegay inuu ku maqanyahay Magaalada Hargeysa, iyadoo wararka aanu helnay qaarkood ay sheegayaan inuu jiro khilaaf dooda biyo la’aantu ka dhex abuurtay maamulka Gobolka , degmada Berbera iyo Masuuliyiinta Wakaalada Biyaha.
Bishii June ee la soo dhaafay ayay ka soo bilaabantay xaalada biyo yaraanta Berbera, hase ahaatee Masuuliyiinta dawlada u qaabilsan Biyaha ee Magaalada ayaa dhawaan warbaahinta ka sheegay inay Magaaladu hesho biyo ku filan oo aan cid ka cabanaysaa jirin.
Hase ahaatee warkan hada soo baxaya ayaa muujinaya in duruufta biyuhu wali Magaalada ka taagantahay, isla markaana xal deg deg ah u baahantahay.
Magaalada Berbera ayaa ah Magaalo saddexdii sanadood ee ugu dambeeyay dib u dhis iyo dhaqdhaqaaq Ganacsi oo ka duwan xiliyadii hore laga dareemayay, hase ahaatee dhibaatada biyo yaraanta oo maraysa meel aanay gaadhin mudo dheer ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn ku yeelato horumarka magaalada ka muuqda.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com