Labada masuul ayaa sidoo kale isla soo qaaday wada shaqaynta Shirkada Ethiopian Airlines iyo Wasaaradda
duulista Somaliland iyo sidii loo kobcin lahaa wada shaqayntaasi, iyagoo isla gartay muhiimada ay leedahay in sare loo qaado xidhiidhka Duulimaadyada madaniga ah ee labada dal, taa soo salka ku haysa is dhex galka labada bulsho ee dariska ah. Iyo in dawladda Itoobiya ay fursado waxbarasho oo dhinaca duulimaadyada ah ay siiso shaqaalaha wasaaradda duulista Somaliland.
Labada dhinac ayaa iyaga oo ka Duulaya qorshaha shirkada Ethiopian Airlines duulimaadyada kaga bilaabayso madaarka Berbera, waxay isla meel dhigeen in muwaadiniinta Itoobiya loo fududeeyo inay safaro dalxiis iyo ganacsi ku yimaadaan xeebta magaalada Berbera.
Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda dawladda Itoobiya Ambassador Berhane Gebre- ayaa kulankaasi ka cadeeyey inay dawladiisa ka go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka labadda dal, iyo in layska kaashado nabadda, xasiloonida, horumarka iyo dalxiiska.
Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland, Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa dawladda Itoobiya ku bogaadiyey kaalinta ay ku leedahay nabadda deggenaanshiyaha iyo horumarka gobolka, isaga oo hoosta ka xariiqay sida ay Xukuumadda Somaliland ugu go’an tahay sare u qaadidda iskaashiga ay la leedahay Itoobiya.
Dhinaca dawladda Somaliland Wasiirka Duulista iyo Hawada, Maxamuud Xaashi Cabdi waxa kulankaasi ku wehelinayey ku simaha safiirka Somaliland ee Itoobiya Ambassador Ayaanle Salaad ”
ALLA MAHAD LEH.
Saddam Maxamed Axmed
Afhayeenka Wasaaradda Duulista Hawada & Gaadiidka Cirka JSL.
Gobanimonews.com/office
hargaysa/somaliland