Afar ka mida Sideedii xildhibaan, oo 3 ka midi ay ku biireen garabka maayir solteeko,
Hargaysa(GNA)waxa hakismay oo u muuqda mid fashilmay mooshinkii ay wadeen qaar ka mida xildhibaanada golaha deegaanka caasimada hargaysa kuwaas oo mudooyinkii u dambeeyay dabada ka riixaayay mooshin ka dhan maayirka caasimada hargaysa C/raxmaan maxamuud caydiid (Soolteeko),oo ay doonayeen inay xilka maayirnimo kaga tuuraan balse waxa mar qudha istaagay mooshinkaasi ka dib markii ay kala jabeen xildhibaaanadii waday oo tiradoodu dhamayd sideed(8) xildhibaan kuwaas oo hada ay ka baxeen sadex(3) ka midi waxaana sidaa shabakada wararka ee gobanimo u xaqiijiyay xildhibaan ka tirsan mudanayaasha waday mooshinka oo isagu ka gaabsaday inuu sheego magaciisa sheego, kaas oo sheegay in hada lag guulaystay dhankooda islamarkaana uu maayirka u hambalyaynaayo waa sida uu hadalka u dhigaye xildhibaanka oo ka hadlaayaana waxa uu yidhi sidan.
, horta waxaan jecelahay inaan maayirka u hambalyeeyo waayo siyaasadiisiibuu nagaga guulaystay oo hada waxa istaagay mooshinkii aanu ku wdanay markaa waxaan leeyahay hambalyo,
xidhibaanka oo aan waydiiyay sababta keentay inuu istaago mooshinkoodi ayaa ku jawaabay sidan.
,siyaaasadiisiibaa naga awood badatay oo shacabkiibaa nagu kacay,markaa sidaasanu u joojinaya,
dhinaca kale xildhibaankan ayaa sheegay in ay kala jabeen xildhibanadii waday mooshinku oo hada 3 ka midi ay la safteen garabka maayirka waxaanu yidhi, waxa kale oo jira in aanu anagii kala jabnay oo hada wakhtigan aan kula hadlayaa ay qaar ka mida xildhibaanadii mooshinka waday la safteen dhanka maayirka caasimada hargaysa kuwaas oo ay tiradoodu dhantahay 3 xildhibaana,
geesta kalana warar lagu kal soonayahay oo ay heshay shabakada wararka ee gobaninmonews ayaa sheegaya in xildhibaanada ku biiray garabka maayirka caasimada ay yahiin sidan.
1:xildhibaan Axmed cali haybe
2:Xasan shahar
3:C/qani macalin gahayr.
sikasataba ahaatee arintana ayaa haatan ayaa la sheegay inay ka dambeysay ka dib kacdoon shacab oo ka yimi dhan ka shacabka caasimada oo iyagu taageero u muujiyay maayir Soolteeko.
gobanimonews.com.office
hargaysa /Somaliland
mustafe Axmed Herer.
herersx@gmail.com
tell:0634061560