Waxa ay khubaradu sheegeen in Yuhuuddu adeegsato dawarsadayaasha oo ay u fududday qabashada hawlaha basaasnimadu maadaama oo aanay cidi ka xan qarsanayn, meel kasta oo ay eegaan, galaan ama maraanna aan looga shakiyeyn wax ka baxsan dawarsi. Booliiska maamulka Falastiin ee Qasa ayaa gacanta ku dhigay shabakado u shaqeeya si nidaamsan oo ay maamulaan dad aqoon leh, shaqadooduna tahay in ay nidaamiyaan kuna shaqaystaan dawarsadayaasha. Waxa ay shabakadahani subaxa hore shaaracyada waaweyn si filiqsan u dhigtaa dad dawarsadayaal ah oo lacagta ay soo shaqeeyaan ku soo celiya maamulka shabakaddan oo isugu dawarsadayaasha siiyo mushahar, hoy iyo cunto kadib marka si xisaabsan looga xareeyo dakhliga ay maalin kasta soo dawarsadaan.
Waxa kale oo uu booliisku qabtay kooxo ugaadhsada carruurta iyo hablaha dawarsadayaasha ah si ay ugu adeegsadaan arrimo akhlaaqada iyo anshaxa fiican ka baxsan oo uu kufsi ka mid yahay. Waxa kale oo uu booliisku sheegay in ay jiraan kooxo ka shaqeeya dhulka falastiiniyiinta oo inta ay ururiyaan heshiisyana la galaan dawarsadayaasha ku xidha sirdoonka Yuhuudda oo ku shaqaysta.
Gobanimonews.com