Sunday, October 5, 2014

Guddoomiyaha Jimciyatul Axbaab Oo Bulshada Somaliland iyo muslimiinta hambalyo u diray

jimciyalHargeysa( GNA)Gudoomiyaha Haayada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur ayaa waxa uu Hambalyo u direy Bulshada Reer Somaliland iyo Guud ahaanba Muslimiinta Caalamka Munaasibada Ciidul Adxada awgeed ,Gudoomiyuhu waxa uu sidaasi Warsaxaafadeed uu goor dhawayd kasoo saarey Xafiiskiisa waxaanu u dhignaa sidan:-

Anigoo ku Hadlaaya Magacayga iyo ka Haayada Waxbarashada Diinta iyo Qaban –qaabinta Xafladaha iyo Xusaska Diiniga Ah (Jimciyatul Axbaab ) waxa aan hambalyo iyo bogaadin balaadhan u dirayaa dhamaanba Shacabka reer Somaliland iyo guud ahaanba umadda Islaamka ahi meel kasta oo ay joogaanba munaasibada Ciidal Adxa awgeed

Jimciyatul Axbaab waxa ay munaasibada Ciidal Adxa awgeed uu leeyahay Ciid Mubaarak,Ciidal Caafiya,Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr.Md:Cabdiraxmaan Cirro waxaa sida oo kale uu Illaahay uga baryeyaa dhamaanba shacabka reer Somaliland in ay Sanadka,Sanadkiisa ay bash-bash,barwaaqo iyo caafimaad qab ay ku gaadhaan,Inta Xanuunsanaysa ee jiiftana uu Illaahay uga baryeyaa in uu Xanuunka ka dulqaado,Caafimaadna siiyo,Sida oo kalena intii dhimatayna Alleh u danbi dhaafo una naxariisto.

Amiin Amiin Amiin

Wa Kullu Caam,Wa Antum,Bil Khayr

Gudoomiyaha Jimciyatul Axbaab

Sayid Muxamed Sayid Cabdilaahi Xaaji Cilmi Nuur