Wednesday, April 2, 2014

Xukuumadda oo Xayirtay Dr. Macow inta uu Dadkii sugayay lacagtooda u celinayo


 DSCN3023 Hargeysa(GNA)-Xukuumadda Somaliland ayaa caddeysay inaan marna la xidhin Dr. Cali Macow Aweys oo Hawllo caafimaad oo uu Hargeysa ka fulin lahaa laga joojiyay, laakiinse shaqada uun laga joojiyay.




Wasiir ku-xigeenka Amniga Somaliland Cabdilaahi Cismaan Abokor oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in Hay’adaha amaanku shaqada uga joojiyeen Dhakhtar Macow dalab uga yimi Hay’adaha Caafimaadka, haatana xukuumaddu go’aan ku gaadhay inaanu shaqo ka qaban Karin dalka.DSCN3022




Cabdilaahi Cismaan Abokor, ayaa intaasi ku daray inaan Dhakhtarku dalka ka bixi doonin ilaa uu dadkii isu diwaan-geliyay ee lacagta laga qaaday loo celinayo lacagtooda, intaasna uu Hargeysa joogi doono.




“waxaan halkan ka caddeynayaa inaan dhakhtar macow marna dawladdu xidhin  ee shaqada uun laga joojiyay, haatana uu degenyahay  mid ka mida Hudheeladda Magaalada Hargeysa, in shaqada laga joojiyona waxay ahayd arrin ka timi Hay’adaha Caafimaadka ku shaqada leh oo ka waayay Shuruudihii lagu xidhay”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenku.




DSCN3024Cabdilaahi Cismaan Abokor,ayaa sidoo kale sheegay inaanu waddanka ka bixi Karin ilaa uu dadkii lacagta laga qaaday u celinayo “Dawladdu iyadoo fulinaysa Masuuliyadda ka saaran ilaalinta Shacbigeeda, waxa kale oo aanu go’aansanay inaanu Dalka ka bixi Karin ilaa uu dadkii lacagta laga qaaday u celinayo, ilaa dadkaasi lacagtoodii helaan kama baxayo waddanka”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Imaanshiyaha Dr. Cali Macow Aweys ee Hargeysa ayaa buuq badan iyo muran abuurtay, ka dib markii Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranku iska hortaageen inuu bilaabo adeegyadii Caafimaad ee uu dalka u yimi.




Ilaa kun iyo shan boqol oo qof ayaa isu diwaan-geliyay inay la kulmaan Dhakhtarkan oo xarumo Caafimaad ku leh dalalka Ingiriiska iyo Jarmalka, kuwaasoo ka kala yimi Gudaha Magaalada Hargeysa iyo Gobollada kale ee dalka.




Hase ahaatee Guddida Mihnadleyaasha Heer Qaran ee Somaliland ayaa ku eeddeeyay inaanu haysan ruqsad uu shaqo dhakhtarnimo dalka kaga qabto, isla markaana uu buuxin waayay shuruudihii lagu xidhay.




“Dr. Cali Macow markii aanu Warbaahinta ka aragnay Xayeysiinta, waxaanu u dirnay form aanu ku nidhi soo buuxi, si loo hubiyo xirfaddiisa dhakhtarnimo, dabadeed wuu diiday inuu form-kaaso soo buuxiyo, waxaanu yidhi waan imanayaa Hargeysa, waanan ka shaqaysanayaa iyadoo aan wax ruqsad ah lay siin.




Dabadeed waxa Xafiiska noogu yimi Nin ka wakiil ah oo nagu yidhi keena Ruqsad, annaguna waxaanu ku nidhi horta Ninkani Shuruudaha aanu ku xidhnay ha soo buuxiyo”sidaasi waxa tidhi Guddoomiyaha Guddida Mihnadleyaasha Caafimaadka Qaranka Luul Jirde Xuseen oo maanta Shir jaraa’id ku qabatay Xafiiska Guddidaasi ee Magaalada Hargeysa.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office