Kuwii dilay Suuqay dhex joogaan
23.04.2014 Caawa Xabsiga weyn ee Ceerigaabo waxa ku hoydey Qareen Cali Siciid oo ah guddoomiyaha ururka qareennada SOLLA ee G/Sanaag oo toddobaadkii hore dhallinyaro ku hubaysan budhadh ku weerareen badhtamaha suuqa Ceerigaabo halkaas oo ay dhaawacyo culus gaadhsiiyeen.
Qareenkan ayaa raggii diley ilaa maanta suuqa iska joogaan halka isagii oo dilan xaaladdiisa caafimaadna lagasoo dayrinayo uu ku jiro xabsiga Ceerigaabo.
Waxana xadhigga qareenkani ka dhashay kaddib markii boliisku soo qaban waayeen raggii weerarka qorshaysan ku qaaday oo ururka qareennada ee uu ka tirsan yahay soo saareen baaq caalammi ah oo ay arrintaas ku canbaaraynayaan .
kaddibna boliiska arrintaas canaan kululi kaga timid si ay taas beddelkeeda awood ugu muquuniyaan qareenkani xadhigga in lagu oggolaysiiyo heshiis qasab ah oo loola jeedo si raggii isaga weeraray ee dhaawacyada culus gaadhsiiyey aan hay’adaha sharciga loo hor keenin oo looga badbaadiyo kiiskana sidaas lagu dhogor dooriyo.
Xadhigga lagula kacay qareenkan dhaawacyada loo geystey ayaa ah mid ka marag kacaya in dilkiisuna ahaa shirqool qorshaysan. Sidoo kalena marag u noqonaya in ragga dilka qareenka geystey boliiskuna gacan siinayo gaar ahaan madaxa baadhista denbiyada iyo mas’uuliyiin kale oo ay ilma’adeer yihiin ragga dilkan kula kacay qareenka. Waxayna arrintani muujinaysaa inaan wax caddaalad ahi Ceerigaabo ka jirin cid walbana arrintani ay tusaale lagu waano qaato ugu filan tahay.
=
Sugulle Waabberi/Hargeysa