Thursday, April 24, 2014

Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Oo Lagu Dhawaaqay


Hargeysa(GNA) -Guddoomiyaha Qaban-qaabada Shirweynaha Xisbiga KULMIYE Abuukar Xaamud Jibriil ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday in Shirweynaha Xisbiga la qaban doono 28-ka April.




Guddoomiye Abuukar Xaamud Jibriil waxa uu ugu baaqay dadka ka qayb-galaya Shirweynaha Xisbiga ee aan wali soo gaadhin dalka in ay si dhakhso u soo gaadhaan Caasimada.




Xisbiga KULMIYE ayaan ilaa hada go,aan ka gaadhin Musharaxnimada Xasan Gaafaadhi, kaas oo ku dhawaaqay in uu u sharaxan yahay Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga KULMIYE.




Qabasho la,aanta  Shirweynaha Xisbiga KULMIYE, Waxay waji gabax ku tahay Xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Siilaanyo