Friday, April 25, 2014

Itoobiya oo dhex-dhexaadinaysa Somaliland, Puntland iyo Khaatumo "Muranka Sool"


Madaxweyne Gaas oo Addis-ababa Maanta ka degay, xili ay hore ugu sugnaayeen Wasiiro ka socda Somaliland



Somaliland: Taleex annagaa haysana”



Khaatumo: Taleex waanu joognaa waanan joogi doonaa”Galaydh



max,ed Biixi YoonisAddis-ababa(GNA)-Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay Ciidammadeedu dib u geli doonaan Magaalada Taleex ee Gobolka Sool, hadii lagu qabto shirar lagaga soo horjeedo wada-jirka iyo Qarannimada, sidaa waxa sheegay Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.



Maxamef Biixi Yoonis oo u waramay Wargeyska Himilo ee ka soo baxa Magaaladda Hargeysa, isagoo ku sugan Magaaladda Addis-ababa ayaa intaasi ku daray inay dawladda Itoobiya ku qanciyeen  inaanay waxba ka jirin dhaliilo Puntland uga soo jeedisay tegitaankii ciidankooda ee todobaadkii hore.



Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa laba todobaad ka hor ka soo laabtay Magaalada Taleex oo ay weerar kedis ah ku qabsadeen, kaddib markii sida ay Maamulka Khaatumo sheegeen cadaadis lagu saaray inay ka baxaan halkaasi.



Taleex ayaa waxa shir uga socdaa Maamulka Khaatumo la baxay oo dooranaya Maamul rasmiya oo dawli ah, sidaa waxa sheegay Madaxweynaha Maamulkaasi oo Warbaahinta la hadlay maalin ka dib markii uu ku soo laabtay Taleex oo Maleeshiyaadka uu maamulo laga qabsaday.



Safar Wasiirrada Arrimaha dibada iyo Arrimaha Gudaha Somaliland ku jooga Magaaladda Addis-ababa ayaa isugu biyo shubtay ashkato ka dhan ah Puntland, Maamulka Dawladda Federaalka iyo Khaatumo oo ay sida muuqata Somaliland u aragto inay daandaanis ku hayaan xuduuddaha dalka.



Wasiirrada Somaliland ayaa shalay la kulmay Wasiirka Federaalka u qabilsan xukuumadda Itoobiya.



“Sababta keentay kulanka waxay ahayd inaan la wadaagno xaaladaha dalka iyo gobolka guud ahaan ka socda, khaasatan arrimaha ku lug leh Puntland, Khaatumo iyo Taleex, oo war fiican ka siinno in Somaliland tegtay dhulkeeda sida Taleex oo ashkhaas doonayey inay shir ku qabtaan, wakhtiganna ay soo noqdeen, haddii ay ka fursan weydana aannu ku laaban doonno. Marnaba ma oggolaan doonno in shir lagu qabto. Waxaan u sheegnay inaannu nahay dad nabad jecel, balse aan aqbali doonin in Xuduudaheeda hawl aan Xukuumaddu oggolayn lagu qabto.”



“Waxaan kala hadlay gar-darrada Puntland iyo waxyaalaha ay warbaahinta kaga hadlayaan, balse loo baahan yahay inay faraha kala baxdo arrimaha Somaliland, iyo sidoo kale diyaaradda Xamar ka soo duushay annagoo wada-xaajood noo socday, horena laysula qaatay inaan dhinacna gacan siin qolo dhibaato ku keenaysa dhinaca kale ama imaanshahoodii Killilka Shanaad ee Itoobiya, inaan guud ahaan gacan la siin, iskana kaashanno dhinacayaga iyo dhinaca Itoobiya-ba. Adduunka iyo cid walbana u sheegaan in Somaliland nabad jeceshahay, balse aanay oggolaan doonin in Xuduudaheeda cidi ku soo xad-gudubto.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis.



Mar Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland oo la weydiiyey inay Ciidanka Itoobiya la socday Cali Khaliif Galaydh iyo in kale iyo jawaabta ay Itoobiya ka bixisay arrintaas markii ay u gudbiyeen waxa uu yidhi;“Itoobiya waxay sheegtay inaanay oggolaan doonin cid kastoo khalkhal-gelinaysa nabadgelyada Somaliland ama xuduudkayaga laga soo tallaabo. Sidaad la socotid Askar Boolis ah oo magaalada Buuhoodle dhinaca Itoobiya joogay ayaa la socday diyaaraddii oo soo dhoweeyey, waxaannu ballan-qaaday Wasiirka arrimaha dibedda Itoobiya inaanay dib u dhici doonin, tallaabana ka qaadan doonaan faro-gelinta Askarta kililka shanaad ee u soo tallowday Somaliland.



Dhinaca kale, Wasiirka Gaashaan-dhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Caddami oo maanta Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay Magaalada Taleex ku suganyihiin dhinacyo kala taabacsan Khaatumo iyo Somaliland.



“Taleex dad Somaliland u shaqaynaya iyo kuwo meelo kale u shaqaynayaaba way joogaan”sidaasi ayuu yidhi Cadami.



Hanjabaaddo hore



Hadalkan wasiirka ka soo yeedhay ayaa imanaya, dhawr maalmood ka dib markii uu qoraal Hanjabaad ah u kala diray Dawladdaha Jaarka, Qaramada Midoobay iyo kooxo uu ku tilmaamay shiddo-wadeyaal.



Sidoo kale, wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa laba todobaad ka hor, daboolka ka qaaday inaanu maamulkiisu u dulqaadan doonin isku day kasta oo Kooxaha Taleex ku shirayaa ku bur-burinayaan qarannimada Somaliland.



Waran-cadde ayaa ahaa Masuulkii ugu horeeyay ee dareenka diidmada ah kala hortegay aragtida ay Somaliland ka qabto shirka Taleex.



Galaydh iyo Cali Ciise



Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamulka Khaatumo oo ay Magaalada Taleex ku suganyihiin labada Siyaasi ee dhidibadda u taagay laba sanadood ka hor, kuwaasoo kala ah Cali Khaliif Galaydh iyo Cali Ciise.



Labadan siyaasi ayaa todobaadkan ka soo degay Magaalada Taleex, kaddib markii ay ka soo safreen dhinaca Itoobiya oo ay muddo ku sugnaayeen.



“Taleex waanu joognaa, waanan joogi doonaa, borobogaandaha ay kuwa Hargeysa joogaa shubayaan ee leeyihiin Cali Khaliifbaa nagu soo socdana waa been”sidaa waxa yidhi Dr, Cali Khaliif oo hadlay maalmo kaddib markii Taleex yimi.



Puntland



Maamulka Puntland ayaa  qayb ka ah muranka dhul soohdimeedka Gobollada Sool, Sanaag Barri iyo Buuhoodle oo ay Somaliland iyo Khaatumona kala sheegtaan.Sool



 


Dhoolatus Milateri oo hor leh ayay Ciidamada Maamulkaasi maanta ka sameeyeen Deegaamo soohdinta ku yaala.



Dhoolatuskan ayaa ka mid ah dhaqdhaqaaqyo Milateri oo ay Maamulka Garoowe waddeen tan iyo markii ay xiisaddu ka soo cusboonaatay Deegaamada Sool.



Waxaana aagaasi booqday taliye ku-xigeenka Booliska Puntland Jen. Muxiyo-diin  Axmed Muuse.



Dhoolatuskan ayaa ku soo aaday xili uu Maanta Itoobiya u safray Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Gaas.



Madaxweynaha ayaa labada Maalmood ee soo socda kulamo la yeelan doona Madaxda Dawladda Itoobiya, waxaanu Axadda ka qayb-gelayaa shir looga hadlayo arrimaha Dhaqaalaha ee qaarada Afrika oo ka dhacaya Magaaladda Bahir Dar ee Dalka Itoobiya, isagoo Soomaaliya u matalaya.gaas_kay-740x416



Sida uu ku waramayaan Ilo-wareedyada Gobanimonews ka heshay Addis-ababa ka hor intaanu shirkaasi gaadhin, waxa ay Madaxweyne Gaas iyo dawladda Itoobiya ka wada hadlayaan arrimo la xidhiidha xiisada xuduudka Somaliland u dhexeeya oo ay wasiirrada xukuumadda Siilaanyo hore ugala hadashay.



Itoobiya ayaa u muuqata inay dhexdhexaadinayso dhamaan dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo oo ay Puntland iyo Somaliland ugu turuq weynyihiin hada.



Dhexdhexaadintan Itoobiya ayaa imanaysa ayaa si weyn u dhiiri gelinaysa dhawaaqyo todobaadkii hore Qaramada midoobay iyo Maraykanku ka soo saareen xasarad dagaal oo ka soo korodha Sool.



Maraykanka iyo Qaramada midoobay ayaa labaduba ka digeen colaad ka qaraxda xuduudka lagu muransanyahay, waxaanay Somaliland iyo Puntland ugu baaqeen inay wada hadal ku dhameeyaan khilaafka.



Dhexdhexaadiyeyaasha Geeska Afrika



“dawladda Itoobiya waxa muuqata inay cadaadis ku saaraysa Somaliland, Khaatumo iyo Puntland inay wadahadal kaga heshiiyaan arrinta sool, waxaana dhexdhexaadinaya dhinacyada Dawladda Djibouti, sida qorshuhu yahay, laakiinse taa waa in Somaliland marka hore lagu qanciyaa”sidaa waxa Gobanimo u sheegay khabiir ka faalooda arrimaha Geeska Afrika.



Hase ahaatee aragtidan ayaan wali si caam ah u soo shaac bixin, marka laga yimaado talaabada ay haatan Itoobiya qaaday ee ay isugu yeedhay dhinacyada Taleex isku haya.



Waxaase marba marka ka dambeysa soo shaac baxaya in yooyootanka Deegaamada Sool ee Maamullada u dhexeeya ay dabada ka riixayaan dano shisheeye oo diirada ku haya dhulka Khayraadka Shidaalka iyo macdanta laga hello ee Gobolka.



Si kastaba ha ahaatee maslaxad lagu soo afjaro xaalada taag-taagan ee haatan Gobolka ka aloosan ayaa dan u ah dadka deegaanka oo si weyn uga cabsi qaba inay dushooda  colaad daba dheeraataa ka curato..



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: editor@gobanimonews.com