Wararka laga helayo Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOM ay ka filiyeen Duqeymo Degaano ka tirsan Gobolka Sh.Hoose iyadoona Weerarkaasi uu khasaaro kala duwan u geystay Dad Shacab ahaa. Ciidamada AMISOM ayaa Madaafiic ku tuuray Degaano lagu kala magacaabo Dani iyo Baqtiile waxaana halkaasi Khasaaro Nafeed uu ka soo gaaray Dadka Degaanka qaarkood.
Saraakiil ka tirsan AMISOM ayaa shaaca ka qaaday Weerarka u jeedkiisa uu ahaa beegsi ka dhan ah Fariisiamaha Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab kuwaasi ooDagaal kala soo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Goobjooge ayaa sheegay Madaafiicda AMISOM intooda badan ay ku soo dhaceen Degaanada Dani iyo Baqtiile isagoona tilmaamay in halkaasi aysan ku sugneyn Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay .
Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo lagula Dagaalamayo Al Shabaab waxaa ay ka wadaan Degaano iyo Degmooyin ka tirsan Gobolka Sh.Hoose.