Thursday, April 24, 2014

Muqdisho: Afhayeenkii Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Is-casilay


Muqdisho-(GNA)- Af-hayeenkii madaxtooyada Soomaaliya, isla marakaana ahaa La-taliyaha MadaxweynreXasan Sheekh Maxamuud,  Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow), oo u waramay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in uu iska casilay xilkii uu hayay.




Masuulkan is casilay oo xilkan soo hayay muddo sanad ah ayaa ka gaabsaday in uu wax tafaasiil ah ka bixiyo sababaha ay daaran yihiin is casilaadiisu, waxaanu meesha ka saaray in aanay waxba ka jirin warar sheegaya in khilaaf ka dhex oogmay isaga iyo masuuliyiinta sarsare ee Dawlada Somaliya, Weli ma cada ujeedadda dhabta ah ee keentay is casilaadiisa.